MA LA AAMINI KARAA SIYAASIGA MAANTA JOOGA? Qaybtii labaad

Xaqiiqdu waxay tahay umadkasta oo koonkan ku nooli waxay ku dhisan tahay kuna kala hormartaa, jiilkooda soo kacaya hadaba waxaa lagamamaarmaan ah in la helo maamul hufan oo umada jiheeya, si loo hago, loona maamulo si ay midhaha soo go,ayaa u noqdaan qaar waxtarleh  waxaana laga maarmaan ah in jiilkaa soo kacayaa ay hellaan waxbarasho tayaysan haday noqoto barbilow (base) ilaa bar dhamaad (end) si ay u noqdaan qaar fikirkooda iyo awoodooda maskaxeedba  u noqoto mid ay umada waxkaga badali karaan, uguna hogaamin karaan kagana  midho dhalin  karaan horumarka iyo hiigsiga umada sugayso, laakiin ma dhacdo manaynu helin hogaamiye sidaa u fikira.

ssSiyaasiga manta joogaa marka uu u rumoobo hamigiisa hogamineed, maha qaarka shaqeeya danaha bulshada ay kalsoonidooda ku fahdiyaan, kamana shaqeeyaan adeegyada bulshadu ka sugayso, markaad eegto adeegyada aas aasiga ah ee ay bulsho u bahantahay haday noqoto, mid waxbarasho, amni, cafimaad,iyo kuwa kalaba, bal aynu eegno adeega waxbarasho iyo dayaca ka muuqda.

Bulshada Somaliland waxaa hore uga dhintay wixii la odhan jiray waxbarashada hoose (basic education) manta waxa iyana baabay waxbarashadii sare (highereducation ) nidaamka maamul ee bulsho hadii uu dhinto oo ay dayacaan dadka umada masuuliyada u hayaa bulshadasi waxay noqotaa qaar baabay oo aan ahdaafta nolaleed ee dunida lajanqadi Karin jiilkooda soo kacayaana wuxuu noqdaa qaar fadhiida oo guuldaraystay oo aan waxba umad ku soo kordhin Karin.

Bal muwaadin qiimee adigu shaqsi ahaan, isna waydii waa sidee jamacadaha manta dalka ka shaqeeyaa, tayadoodu se maxay tahay, sideebay muwaadiniinta ugu adeegaan, maxay se bixiyaan, waa maxay hamigooda ay u aas aasan yihiin, shaqsiga aynu ka sugayno inay soo saraan waa mid nooceeya muxuuse bulshada ku soo kordhin karaa, lakiin ma leenahay habmaamul oo hufan oo daba gala kana shaqeeya una dhaxeeya muwaadiniinta iyo  habwaxbarasheedka jamacadeed ee maanta dalka ka shaqeeya?

Su,aashu waa maya dhamaan jamacada dalka ka shaqeeyaa gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay waxa hamigooda fog iyo kooga gabanba uu yahay sidee ay ku heli lahaayeen macaash (profit seeking) isla mar ahaantaan aan lahayn nidaam tayaysan waxa ay bulshada ka iibinayaana ma aha mid tayaysan  adeegooda shaqo ee muwadiinta ay u qabtaana maaha mid wanagsan waa mid ay uga dan leeyihiin uun wixii iyaga danahooda ah.

Ardaygu waxbarashada uu bilaabaa iyada oon loo eegayn wax shuruudo ah ma bilaabi karaa jamacad mise ma bilaabi karo, waanu qalinjabiyaa isagao oo aan cilmigiisa iyo caqligiisaba aanay waxba iska badalin, dhamaan bulshadadeena wax dhigataa waywada qalinjabisaa uun, wali aduu muwaadin maad aragtay arday la yidhi ma qalinjabinkaro oo awood uma laha inuu qalinjabiyo.

Aqoonyahanada cilmiga nafsiga wax ka yaqaan waxay iswaydiiyeen barashooy maxaad tahay? Waxay yidhaahdaan (learning is permanent change of hehaviour and attitude) taas oo micnaheedu tahay qofkani shaqsi ahaan isagu ma isu badalay si uu bulshada u anfaco qofkii hadaan isaga waxba u soo kordhin cidna waxba kuma kordhin karo.   lasoco

 

Sacad Jibril Ahmed

sacad446@hotmail.com

Hargeisa, Somaliland