“Ma Jirto Cid iga Saari karta Xisbiga Kulmiye…” – Cabdicasiis Samaale

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, Mr Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta ka qayb-galay shirweynaha 6aad ee Xisbiga Kulmiye oo maanta ka furmay magaalada Boorama.

 

Cabdicasiis Samaale oo ka mid ah Xubnihii ugu horeeyey ee dhidibbada u taagay Xisbiga Kulmiye, ayaa mar uu maanta goobta shirku ku qabsoomay ugu warrmayey weriye ka tirsan HCTV, waxa uu sheegay inaanay jirin cid ka saari karta Xisbiga Kulmiye isla markaana uu waligii ka tirsanaan doono.

 

Muuqaalkan Hoose ka daawo Hadalka uu madasha ka jeediyey Cabdicasiis Samaale