Ma Inay Cawdaan-baa Mise Waa Inay Cod Ku Ciil Baxaan?

Laga soo bilaabo 27-kii Julay 2010-kii maalintii uu xulka la wareegay madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, waxa isa soo tarayay cabashooyin tiro badan oo salka ku haya saluugyo ku qotoma saami-qaybso xileed iyo kuwa siyaasadeed. Iyada oo tabashooyinkaasi noqdeen wax marba marka ka danbeeya soo xoogaysanayay, isla markaana sababay in dhaleecooyin lala miciinsado Madaxweyne Silaanyo iyo xukuumaddii uu soo dhisay. Cid waliba waxay danaynaysay inay iska dhex aragto xukuumadii uu madaxweynuhu dhisayay, hasayeeshee may suurta gelin oo waxa meel-maray qorshihii madaxweynaha u dejisanaa.

Markiiba waxa bilawday gufaacooyin mucaaradad ah oo lagu bilaabay xukuummadii uu dhisay Madxweyne Silaanyo. Waxa qaylo la oogsaday qaar ka mid ah beelaha Somaliland oo ku gar-naqsaday inaan saamigoodii la siin. Waxa la aloosay dadaallo lagu abaabulayo shirar beeleedyo ay dabada ka riixayeen siyaasiyiin cadhooday iyo madax-dhaqaneedyo. Waxa la adeegsaday dhaleecayn warbaahinta loo marinayo Madaxweyne Silaanyo. bal ogaada oo dadka ugu badan ee madaxweynaha iyo xukuumaddii uu dhisay ka hor yimi waxa ugu fara badnaa dadkii taageeray ee markii danbena waxay filayeen waayay.

Waxay soo socotaba, waxa hadda la marayaa meelihii ugu xasaasisanayd. Waxa la adeegsanayaa af-xumadii ugu adkayd ee madweyne loo adeegso, dhaleecaynta iyo cayda iyaga hadalkooda daa. Kollayba sunnaha madaxweynenimo ayay ka mid tahay in eedayn iyo canbaarayn-ba yimaadaan haddii uu marin-habaabo hannaanka hogaamineed ee madaxweynaha la doortay. Laakiin waxa jira siyaabo loo cabsi geliyo oo looga aarsado hogaamiyaha taladiisa loo bogi waayo ee laga soo hor jeesto.

Marar badan waxay dhegahaagu maqlayaan: “Madaxweyne Silaanyo waa danayste, waa abaal-laawe, dalkuu baabinayaa, dadkuu isku dirayaa, awooddu gacanta ugama jirto, wuu asaasaqay…wuu…wuu.” Dhammaan odhaahahani waxay soo shaac-baxeen intii ay xoogaysatay mucaaradada lagaga soo horjeedo madaxweyne silaanyo.

Hore ayaa loo yidhi: “Af-xumo nabadna way kaa kaxaysaa colaadna wax kaagama tarto.” Ciddii ciil u qabta madaxweyne Silaanyo, waxa la gudboon ilayn cod ayuu ku yimiye inay cod kaga ciil-baxdo, isla markaana ay lala sugo waqti dhammaadkiisa xileed, haddii aanu amar ilaahay ku dhicin.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare].

cabdiheersare01@hotmail.com  

Hargeysa, Somaliland