Ma inagaa iska damaashaadna 18 May, mise aduunweynaha ayaynu ka iibinaa qadiyadeena, iyo sidii ay si nabadgelyo ah ugu dhici lahayd?!

Ali DhinbiilRuntii 23kii sano ee ka soo wareegtey xornimadii Somaliland waxay isaga badnayd damaashaad iyo is xasuusin ku saabsan gooni isu taageena iyo inaynu la soo noqonay xornimadeena.  Laakiin dadaal fiican ulamaynaan iman sidii maalinta xornimadeena iyo aqoonsi doonkeena aynu aduunka ugu soo bandhigi lahayn.  Metalan in saxaafada aduunku lagu soo casuumo maalintaa si aay wax uga qoraan wadankeena iyo gooni isu taageena, madax kale oo ka socota Africa, Arab league, Asia  amaba Europena la soo casuumo.    Horta way iska cadahay inaan madax sare u imanayn dawlada yar oo aan la ictiraafsanayn, laakiin taa macnaheedu maaha inaanayn  soo casuumi Karin ‘’low ranking officials ka socda wadamada aynu saaxiibka nahay. For instances, wadanka aynu jiiraanka nahay ee weliba saaxiibka  aynu nahay ee Ethiopia waxaa joogaa ambassadors aduun weynaha u fadhiya wadankaas, markaa at least waa inaynu invitation u fidinaa bilo ka hor, oo markaa aynu eegnaa bal inta inoo iman karta, ama inoogu balan qaadi karta inay mustaqbalka danbe inoo iman doonaan.

Runtii dawladu dadaal badan ayay wadey beryahan danbe, si aay u xoojiso our foreign office, for example, Somaliland minister for foreign affairs, Mohamed Behi Yonis, oo dhowaan Lobbying company la yidhaahdo Mercury Public la saxeexday inay hawshii sii wadaan aay marki hore inoogu qaabilsanaayeen Glover Company.  Waxaa bogaadin iska leh madaxweynaheena oo fahmey ahmiyada aay arintani wadanka u leedahay, iyo weliba inuu u magacaabo Honourable Mohamed Yoonis as out foreign Minister, oo runtii ah nin khibrad iyo aqoon fiican u leh arimaha ku saabsan international affairs.  Horana uga soo shaqeeyey United Nations.

Hadaba hadaan dib ugu soo noqdo, su’aashaydii ahayd ma inagaa iska damashaadna

 mise maalinta xoriyadeena aduunweynaha ayaynu gaadhsiinaa jiritaankeena iyo gooni isu taageena; waxay aniga ila tahay in laba waxba la sameeyo, waa mida horee waa in aqoonyahano iyo siyaasiyiin ka kala socda Europe, Africa, Arab league, United Nations, iyo weliba kuwa qadiyadeena taageera sida Ethiopia lagu soo casuumo maalinta xuska ee inagu soo food leh.  Waa ta labaade waa inaynu aad ugu dadaalnaa dhinaca ka soo qayb gelinta International Media, khaasatan Al Jazeera, oo dhinaca arigtada carabta inaga caawinaysa iyo other international media, sida BBC and Channel 4 in UK, the Guardian and the independent UK, iyo other international media ee aay ka mid yihiin CNN.  Oo bal markaa qolyahan lobbyinka inoo samaynaysaa aay sanadka ku dadaasho sidii aay international media uga soo qayb gelin lahayd munaasabadan sanadguuradeena qaranimo, oo waxna uga qori lahaayeen, waana arin aynu ku eegi doono wax qabadkooda iyo shaqadoodaba.

Inkastoo ay adagtahay in wadan aan cidi ictiraafsanayn madax loo soo diro, laakiin hadana mucaarad iyo muxaafadba aduunweynaha ka kala socda waa in lagu dadaalaa sidii loo soo marti qaadi lahaa. Waayo arintu maaha oo keliya in dawlado la soo casuumo hadii aanad heleynba, laakiin waa in aqoonyahano siyaasiyiin iyo business people, sida kuwa wadanka patrolka ka qodaya lagu soo marti qaadaa xaflada.  Mida kale waxaa sideedaba fiican in sanad ka hor la sii wargeliyo sidii loo soo casuumi lahaa, ileyn dad bilaa camal ah maahee, oo iska imanaya markii loo yeedhaba.

Waxaas oo dhamina waxay suurtoobayaan markaynu inagu isku duubanahay mucaarad iyo muxaafadba, oo aynaan sida mufaashalka ah ee iminka wadanka ka socota aynaan inagu cunaha iska laalaadin.  Miyaad aragteen dawlad iyo mucaarad isku qadiyad ah oo hadana dagaal sokeeye dhexdooda ka socdo.  Hadii aynaan isu dulqaadan, oo muranka iyo ceebeenta aynaan iska deyn, waxaa dhici doonta in cadowgeenu inaga faaideysto, aduunka aynu aqoonsiga ka raadinaynaana uu kalsoonidii inagala noqdo, oo markaa aduunweynaha aaynaan ugu muuqan inaynu  reer reer isu haysano.

Ta kale ee aan jeclahay inaan xuso waxa weeye in amaanka iyo nabadgelyada la sii kordhiyo  xuska sanadkan, oo kharshiyad badan la geliyo, si kuwa isku deyaya inay ceebeeyaan amaba burburiyaan xasiloonida iyo nabadgelyada wadankeena aanay u suurto gelin.  Ma garanayo inay dawladu weli fahansantahay cawaaqib xumada ka iman karta hadii metalan qaraxyo ka dhacaan xuska 18 of May ee sanadkan inagu soo foodleh, amaba laysku dayo in madaxweynaha la khaarajiyo, waayo cadowga Somaliland mid gudo iyo mid dibad ahba wuu leeyahay.  Weliba madaama aynu dad ajaanib ah oo hay’ado iyo dawlado ka socda casuumayno, waa inaynu dadaal farabadan la nimaadnaa sidii loo ilaalin lahaa naftooda.

Dhinaca stageka amaba fagaaraha madaxda wadanka fadhiisato maalinta dabaaldega 18 of May, runtii anigu uma bogin siday u eekayd sanadkii dhoweyd, ama ha ahaato muuqaal ahaan, amaba ha ahaato dhinaca difaac la’aanta agagaarka fagaaraha madaxdu fadhido. Markaa soo jeedin lahaa in horta fagaare amaba stageka madaxdu fadhiisanayso laba dabaq laga dhigo, oo midna madaxdu fadhiisato, midna aay fadhiistaan dadka kale ee marti sharafka ah.  Isla markaana fagaare wada muraayad ah la sameeyo, oo u qalma magaca iyo sucmada wadanka iyo marti sharafka inoo imanaysa.

Ta kale ee iyaduna muhiim ah waa in tight security amaba (security Cordon) loo sameeyo agagaarka fagaaraha xaflada lagu qabanayo, oo xitaa wax block gareeya cidii doonaysa inay qarax la beegsato meesha la dhigaa iyo meelaha ka durugsanba. Weliba waxaa muhiim ah in survey lagu sameeyo fagaaraha madaxdu fadhiisanayso, si loo eego daldalooda iyo xaydaanka ku wareegan stageka iyo weliba bilow ilaa dhamaad meesha xaflada lagu samaynayo.  Xitaa marka madaxdu ka dareerto xaflada waan in laga fekeraa sidii dhamaan nabadgelyadooda loo ilaalin lahaa, inkastoo wixii ilaahay qoray aan cidina joojin Karin.

Sideedaba bilicda amaba imageka fiican wuxuu sare ugu qaadayaa wadankeena, markaa waa muhiim in dawlada iyo shicibkuba ka qayb qaataan muqaalka iyo qurxinta wadanka, ama ha ahaato nadaafada magaalooyinka amaba government institutions, sida guriga marti sharafka iyo soo dhaweynta, meelaha xafladaha lagu qabto,iwm.  Dawladuna inay shaqaale u qaabilsan image consultant aay lahaataa waa muhiim, ileyn wadanku xero shaydaan maahee.

Rabshad iyo dil kasta oo ka dhaca Somaliland waxay caqabad iyo ceeb ku tahay qaranimada Somaliland, markaa waa in hay’ada nabadsugida wadanku sidaa u fahmaan, oo markaa long term strategy wax waxqabadkoodu ku dhisnaadaa. Dhinaca policeka caasimada waxaa muhiim ah in aay isticmaalaan Police CCTV Van, ay marba meeshii ay hawli ka jirto kula socdaan dhaqdhaqaaqyada dadka iyo sidii aay u record garayn lahayeen wixii meeshaa ka dhaca, ama xaflada ha noqoto amaba mudaharaad ha noqoto, iwm.

Waxaan markaa haboon sidii Somalilad maqal iyo muuqaal heer sare ah loogu samayn lahaa, dhinaca nabadgelyadana laga sii kordhiyo sidii sanadadii hore, oo markaa cadowgeena aynu had iyo jeer one step ka horayno.  Waayo police iyo nabad sugid aan caqli iyo qorshe sare ku socon waxay la mid noqonayaan sida kuwa Muqdisho oo kale, ee la kala sooci waayey askartii dalka iyo argagixisadii aay la dagaalamayeen, oo xitaa mararka qaarkood isku direys gashan, amaba aay mu’aamarada wada wadaan.

Ali Dhinbiil

Ali.dh@hotmail.co.uk