Ma-hadhooyinka Xukuumadda iyo Maalmihii Tegay – W/Q: Sayid-Maxamed C/laahi ~ Qaybtii 6aad

Waa qormooyin taxane ah oo aan ku iftiimin doono ma-hadhooyinka xukuumada ee 913kii maalmood ee la soo dhaafay kuna beegay 27/januarey/2013 oo ay labasano iyo badh( 2 ½) jirsatay xukuumadani

sayid-Maxamed…Sidoo kale maadaama aanay jirin cid ku ilaalisa Masuuliyiinta majarihii maamul wanaaga una gudbisa shacabka, waxa uu ku dhiiri galinayaa saraakiisha dawladu inay musuqaan kuna takri falaan awdihii qaranka,talaabadan ay kumeel mariyeen xeerkan ayaa u muuqato mid ay ugu diyaargaroobayaan gabood fallo ay kamidyihiin lunsi iyo xatooyo hantidii ummadda.

Xeerkani Waxaa uu si cad uga hor imaanayaa qodabka 32aadfaqaradiisa 3aad oo tilmaamaya RA’YI – DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE una dhigan:

 Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.

              Hadaba maadaama xeerkani uu khilaafsan yahay qodobo dastuuriya maaha mid loo hogaasamayo waana waxba kama jiraan sida uu sheegayo qodobka 128aad , faqradiisa 2aaddastuurku oo ka hadlaaya SALDHIGGA IYO SARRAYNTA DASTUURKA

            Dastuurka ayaa ugu sarreeya xeerarka dalka, xeer kasta oo aan isaga waafaqsanaynina,   waxa uu noqonayaa waxba kama-jiraan.

            4-Aasaaska Maamul Goboleedyada

            Markii Somaliland ay ka go’day Somaliya inteeda kale sanadkii1991 kii waxay la soo go’day dhulkii la isku odhan jiray Somaliland British Protectrate, baaxadiisuna dhamayd 137,563 km2.( 68000 sq mile) Xuduudihiisa caalamiga ahina ku qeexan yihiin qodobka 2aad ee dastuurka.

            Hadaba laga bilaabo lawyacado ilaa laasqoray oo ah cidhifyada galbeed iyo bari waxay si toosa u hoostagayeen dawlada dhexe, in kastoo laga yaabo inaan meelo yar oo tirsan kajirin maamul daadajisan oo ka hoseeya heer gobol isla markaana fuliya adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshadaasi u baahnayd. Tani waxay ahayd dhaliil xukuumadihii hore lahaayeen maadaam ay kagaabiyeen haddii aanay duruufo dhaqaale u diidin. Laakiinse marnaba may dhicin in degmo ama gobol lagaga dhawaaqo maamul goboleed kamadxbanaan dawlada.

            Curashadii xukuumada siilaanyo waxay dalka ku noqotay virus burburiyay wada jirkii iyo midnimadii, una kala guray qabaa’il .dagaalkii kalshaale ee aynu qormooyinkii hore kaga soo qaadanay iyo doorkii xukuumadu ku lahayd iyo weliba siday u maamushay wuxuu kamid ahaa sababihii dhidibada u taagay maamulka khaatumo ee ka arimiya buuhoodle. Maamulkaasi waxaa uu ka abuurmay shirkii uga socday beelaha dega sool iyo buuhoodle magaalada taleex, dhamaadkii bishii December -2011 ilaa horaantii Jan-2012 lagagana hadlayay xaalada dagaaladii soo maray iyo masiirkooda beel ahaaneed, waxay 10/jan/2012, kaga dhawaaqeen go’aano ay kamid ahaayeen dhismaha maamul hoos taga dowladii kumeel gaadhka ahayd waqtigaa ee soomaaliya.

            Laga bilaabo maalintaa dalkii waxa uu cagta saaray dhabihii deriskooda somaliya. Ayaama yar kadibna maamulkii kale ee awdal state ayaa lagaga dhawaaqay qurbaha, sanaag barina waxaa debeda lagaga keenay maakhir land. Saddexdan maamul laba kamidi waxaa xaruumo ah degmooyinka dalka qaarkood.

            Haddii aan u soo noqdo shirkii taleex ee laga dhawaaqay maamuulkii horseedka u ahaa maamul goboleedyada kale waxaa ogolaanshiyaha bixisay Wasaarada Arimah Gudaha, sida uu ku cadeeyay madaxweynuhu khudbadiisii dastuuriga ahayd  ee sanadkii 2011 ka.waxaanu yidhi:

Shirka Taleex wuxuu ku billaabmay jawi nabadgelyo oo beel ka mid ah beelaha Somaliland ay kaga arinsanaysay arimaheeda dhaqan iyo horumarineed inta aanu ognahay, waxaase shirkaa majara habaabiyay koox fidna-walayaal ah oo qaarkood hore ugu caan baxeen Somaliland nacaybka kuwaas oo ujeedadoodu tahay inay colaad ka huriyaan deegaan nabdoon. Beesha Sool iyo dhamaan beelaha reer Somaliland waxay u baahan yihiin nabadgelyo iyo horumar kamana muuqato inay xiligan ka soo baxayaan shirkaa wax lagu tanaado ama ay dani ugu jirto beelahaa.

            Ayadoo warbaahinta gudaha iyo ta caalamiga ahba laga sheegay ajandaha shirka wax qarsoonina aanay jirin xiligii qaban-qaabadiisu socotay,ayuu sidaa ku dooday madaxweyne siilaanyo . Haddiise aanay xukuumada kawarqabin ajandayaasha inuu kamid yahay dhismaha maamul goboleed furitaankii shirka hortii, sida uu ku dooday maxay u joojin waayeen una kala diri waayeen mudadii dooda maamulku socotay?  Illeen madasha shirku ka socday waxay ahayd magaalo kamida dalka. Waxaa la yidhi

           “ doqontu xadhkihii lagu xidhi lahaa suxuladay ku sidataa” .

  Gunaanadkii masuuliyada gobolada dalka ka go’ay iyo kuwa isu diyaarinayaba waxaa leh xukuumada siilaanyo, waxaana weligeed hor ooli doonta waydiinta ma-hadhada ah ee mee dalkii midaysnaa ee lagugu wareejiyay? ……..Lasoco……..

Sayid-maxamed C/laahi Xasan

Burco, Somaliland.

Sayidmaxamed22@gmail.com