Ma-hadhooyinka Xukuumada iyo Maalmihii Tegay – W/Q: Sayid-Maxamed Cabdilaahi ~ Q.1aad

sayid-MaxamedWaa qormooyin taxane ah oo aan kusoo bandhigi doono ma-hadhooyinka xukuumada ee 913-kii maalmood ee la soo dhaafay kuna beegay 27/januarey/2013 oo ay 2 ½ sano jirsatay xukuumadani

Waxaa laga joogaa 27-July-2010, xiligaas oo ay xilka lawareegtay xukuumadani 913 maalmood una dhiganta 2 sano iyo badh, mudadaasi waxay lahayd mahadhooyinkeeda iyo xasuusteeda u gaarka ah,hees uu ku luuqeeyo maxamed axmed kuluc midhaheedana uu leeyahay abwaan xuseen aw faarax ayaa tidhaa:-

Sanad waliba hoodiyo

Hawl iyo dhibaatiyo

Wuxuu hadimo leeyahay

Waa laga helaayoo

Hadhaw lagu xasuuustaa.

Hadaba sanadahaas u danbeeyay jSl wixii somaray ee hoodiyo wanaaga xukuumada ayaa isha iyo gacntaba ku haysay waxayna saartay waynayso (Microscope) ay ku tilmaamayeen wax-qabadka xukuumada.

Aragtidooda ka maamul ahaan aan u dhaafno taa ayaga, maadaama shacabku uu yahay daneeyaha wanaaga iyo hurumarka  waxay si wacan ula socdaan dhaqaaq kastoo kasoo fulaya xafiisyada dawlada,ama ay soo bandhigaan waxayna ku qiimeeyaan halbeegii dhabta ahaa ee ku haboonaa, jawaabtedana ayagaa bixiya .sidaa daraadeed kagama hadlayo qormadan taas.

Laakiin waxaan taxanaheenan kusoo bandhigi doona mahadhooyin curad ku ah dalka oo ay masuulka ka ahayd, qaar kale oo ay gacan dadban kula jirtay iyo kuwa ay kagaabisay wax ka-qabashadeeda. bal aan dib umilacsano maalmaahas si aynu wax uga ogaano  xaaladaha siyaasadeed iyo nabadgalyo-darro ee ina la soo dersay iyo hababkii loo maareey.

Ujeedada qormadan;

Qormadaydan waxay tuse ama hagaal u tahay dhamaan cidii danaynaysa ee jecel wanaaga dalka kana mida kawa masuuliyadu saarantahay , waayo waxay soo taxaysaa dhacdooyin lasoo dhaafay, intooda badana ay shacabka ku reebeen murugo iyo uur kutaalo, si looga hortago falal aan raali laga ahayn  oo  dib usoo laabta. Lana awdo gol doloolooyinkii,isla mar ahaantaana laga faa’idaysto casharadii laga bartay. Waayo taariikdu waxbay hagtaa, runtii waa arrin aad u qiimo badan in la ururiyo oo la kaydiyo dhacdooyinka inna soo maray.

Waxaa suura gala inay dadka qaar ka xajiimoodaan ama ay dhibsadaan waase daawo aanay garanayn, hubaal weeye inay kuwaasi yihiin ku wa hagardaamada iyo burburka dalka la doonaya. Sidana xasaanad iyo masuuliyad qaran. ama kuwo hayb iyo dhuuni kuraacay.Waxaa kamid ahaa gabaygii Qamaam bulxan ee silsiladii GUBA

Baadida nin kula doonaa jira     * Daalna kaabadane

Oo inaad hesho doonayn           * Daa’im abidkaaye.

Waxaa hadda ka dhigin qolyahan majarihii dalka haye ee ummadda u muujisanaya wanaaga isla mar ahaantaana qaadaya dhabihii burburka.

Haddii aan u daadago, dhacdooyinkii dalka soomaray oo badnaa daraadeed waxaan gaar u calaamadiyo kuwana:

1.       Soodegidii  ciidamada ONLF

2.      Bilawgii Dagaalkii kalshaale

3.      Xadhigii iyo cabudhintii saxaafada

4.      Aasaaskii maamul gobaleedyada

5.      Ka qayb galka shirarkii maamul goboleedyada

6.      Shaqaaqadii ceel bardaale iyo seemaal

7.      xatooyada raashinkii mucawinada ahaa

8.      Dhacdadii wershada kabista

9.      Doorashadii iyo casharadeedii

1.      Ka soo degidii  ciidamada ONLF ee xeebaha Saylac

 13-Sep -2010 waqti maalinimo ah ayaa xeebaha saylac ay kasoo degeen laba doonyood oo siday ciidamo jabhadda ONLF ah tiridooduna lagu qiyaasay 200-250  askari .

Jabhadani dagaal kulama jirin Somaliland,wanaag kadhaxeeyaana inta la ogyhay majirin, isla mar ahaantaana marti ugamay ahayn xukuumadeena inay ka soo degaan soona dhex jiidhaan ama maraan dhul dherer ahaan ku dhaw 170 mayl (272 km) ugu danbayntiina u gudbaan Ethiopia, ayagoo bad qaba hubkoodii iyo saanadoodiina milaterina wata. ……..Lasoco……..

Sayid-maxamed C/laahi Xasan 

Burco,Somaliland.

Email:-Sayidmaxamed22@gmail.com