Ma doonaysaa waxbarasho Jaamacadeed oo bilaash ah adiga oo gurigaaga/xafiiskaaga jooga?

[H]argeysa – Jaamacadda barashada cilmiga iyo deraasaadka Islaamka (Islamic Online University) ayaa markii u horraysay faraceeda ka furaysa magaalada Hargeysa ee Somaliland, si fursad ay ugu helaan ardayda ku nool gobollada wadanka ee doonaysa in ay wax ka bartaan Jaamacadan.

Jaamacaddan oo waxbarashada ku bixisa habka casriga ah ee loo yaqaano masaafada (Distance learning/Online learning), isla markaana waxbarashadeedu bilaa lacag ama bilaash tahay, ayaa faraceedani wuxuu qof kasta oo doonaya in uu arday ka noqdo u suurtogelinayaa in ay fursad u helaan.

Hoos ka akhri su’aalo aad isweydiin lahayd iyo jawaabahoodii.

-Waxbarashada Jaamacadda IOU ma bilaash baa?

Jaamacaddani waxay bixisaa laba shahaado oo kala ah; Diploma iyo Degree la xidhiidha daraasaadka Islaamiga ah (Bachelor of Arts in Islamic Studies –BAIS- degree). Shahaadada Diploma guud ahaanba waa bilaash, halka shahaadada Degree lagaa qaadayo lacag sar-go’an oo ah kharashka isdiiwaangelinta simistar kasta, taas oo u dhaxaysa 40 Dollar ilaa 120 Dollar Semesterkiiba. Waxaana qaddarka lacagta lagaa qaadayaa ay ku xidhan tahay dalka aad dunida ka joogto. Qof kasta oo ku nool Somaliland iyo Soomaaliya waxa laga doonayaa afartan dollar ($40) oo ah feega diwaangelinta.

-Waa maxay faa’iidada ku jirta in wax laga barto IOU?

Jaamacadda IOU waxay bixisaa duruus la xidhiidha barashada rasmiga ah ee Islaamka oo salka ku haya Quraanka iyo Sunnaha. Waxa kale oo duruusta ay jaamacaddani bixiso ka mid ah xiisado casri ah, sida; barashada dhaqaalaha Islaamka, barashada hab-dhaqannada iyo hab-shaqada maskaxaha bani’aadamka (Psychology), maamulka iyo maaraynta,  I.W.M.

Waxaana dhammaantooda laga eegayaa dhinaca aragtida uu Islaamku ka qabo, si ardayda faham ballaadhan looga siiyo, uguna shaqeeyaan xirfaddooda si waafaqsan anshaxa iyo qiyamka Islaamiga ah.

-Halkee ayay ku taallaa Jaamacadda IOU?

Jaamacadda IOU waa jaamacad lagu barto hab fudud adiga oo jooga meel kasta oo dunida aad tagto, una baahan oo kaliya inaad hesho koombuyuutar iyo Internet. Xarunteeda guud waxay ku taalaa Qatar, laakiin waxa duruusta lagu bixiyaa Internet-ka.

-Waa maxay ujeeddada loo aasaasay Jaamacadda IOU?

Waxa loo aasaasay in aqoonta Islaamka loo gudbiyo dadka muslimka ah iyo kuwa aan muslimka ahaynba. Iyada oo laga duulayo aragtidaas, waxa ay jaamacaddu bixisaa waxbarasho muddadeedu gaaban tahay (intensive), shahaadooyinka Diploma iyo Degree oo lagu qaadanayo barashada deraasaadka Islaamka, kuwaas oo gebi ahaanba bilaash ah.

-Yaa arday ka noqon kara Jaamacadda IOU?

Waxa arday ka noqon kara qof kasta oo go’aansaday ama doonaya in uu si sax ah u barto deraasaadka Islaamiga ah ee laga soo dheegay Quraanka iyo Sunnaha. Ardayda dhigata tiradoodu waxay ku siman tahay 80,000 oo arday,kuwaasoo ka kala socda 207 dal oo isugu jira dalalka horumaray iyo kuwa soo korayaba.

-Maxaa ardayda laga doonayaa si ay wax uga bartaan Jaamacadda IOU?

Qofka doonaya in uu barto waxbarashada heerka Diploma loogama baahna wax shuruud ah oo la xidhiidha heerkiisa aqooneed. Balse, qofka doonaya in uu barto heerka Degree (BAIS), waxa shardi ah in uu haysto shahaadada dugsiga sare. Qofka aan haysanin shahaado dugsi sare ee doonaya in uu barto Degree (BAIS), wuu baran karayaa duruusta oo dhan, balse ma jirto gebogebada shahaado Degree ah oo la siinayaa, waxase taa beddelkeeda la siinayaa Diploma sare oo ay jaamacaddu ku caddaynayso in uu waxbarashadaas dhammaystay.

-Qofku Degree ma ka bilaabi karaa jaamacadda isaga oo aan haysan Diploma?

Haa, wuu ka baran karaa qofku isaga oo aan haysan shahaadada Diploma. Waase in uu haystaa shahaado dugsi sare.

-Ma jiraa wax xaddidaya da’da qofka doonaya in uu wax ka barto IOU?

Maya, qof kasta da’da uu doono ha jiro’e, jaamacaddan wax wuu ka baran karaa.

-Luuqadda wax lagu baranayaa waa noocma?

Dhammaan duruustu waxa lagu baranayaa luuqadda Ingiriisiga, marka laga reebo luuqada Carabiga oo iyada maado ahaan loo baranayo.

-Muddo intee le’eg ayaa lagu dhammaynayaa waxbarashada degree-ga?

Waxa la baranayaa muddo afar sanno ah oo aad shahaadada ku qaadanaysaa.

-Imisa xiisadood (courses) ayaa la baranayaa xilli-waxbarasheed (Semester) kasta?

Waxa la qaadanayaa lix xiisadood (6 courses)

-Waa imisa lacagta isdiiwaangelinta xilli-waxbarasheed (Semester) kasta?

Qof kasta oo ku nool Somaliland iyo Soomaaliya waxa laga doonayaa afartan dollar ($40).

Wixii faahfaahin ah ee intaa dheer kala xidhiidh;

Tel: +252-2-4222200

Email: iou.eastafrica@islamicuonlineniversity.com

Web: www.islamiconlineuniversity.com