“Ma Aqbalayno In Muddo Kordhin Loo Sameeyo M/Weyne Siilaanyo”C/rixmaan Cirro

Hargeysa(SLPOST)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa ka digay muddo kordhin loo sameeyo  Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo .

cirro 55

Cirro ayaa si cad u sheegay inaan la aqbali Karin wakhti kordhin loo sameeyo mudada xilka Xukuumadda oo ku beegan 2015-ka “Madaxweynuhu khudbadbad sanadeedkii sanadkii hore wuxuu ku sheegay inaan maalin muddada loogu darayn xukuumaddiisa, markaa waxaan aaminsanahay in madaxweynuhu taa ka dhabayn doono ee ay qolyo xukuumaddiisa ka tirsan oo aan la socon siyaasaddu muddo kordhin filayaan”ayuu yidhi.

“Doorashada madaxweynaha waxa ka hadhay sanad iyo dhawr bilood waxaanay ku beegantahay Bisha 6-aad ee 2015-ka”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasibad Aarday Jaamacada dalku u qabteen Xisbigiisa oo ka dhacday Hargeysa, ayaa Isagoo hadalkiisa sii wata ku cel-celiyay “Muddo kordhin Madaxweynaha loo sameeyaa Maya, maya, maya, Doorashada waxaynu leenahay haa haa, waa in doorashada xiligeeda la qabtaa”.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay shaqo la’aanta dhalinyarada ee Tahriibta sababtay, isagoo dhalinyarada kulanka ku sugnaa ka dalbaday inay Kursiga Madaxweynaha la doonaan  si uu dhalinta shaqo abuuris ugu sameeyo.

Guddoomiyaha ayaa intii uu khudbadda ku jiray yidhi “waxaan idinka codsanayaa inaad laba daqiiqo Faataxada u akhridaan Dhalinyaradeenii Badda ku dhintay “

Somalilandpost.net

Hargeysa/