M.Silanyo oo dhambal Hambalyo ah u dirya xuska munaasabada Aasaaskii SNM

 

1 m silanyo

 

DHAMBAAL MADAXWEYNE

 

 

 

Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isaga oo ku hadlaaya Afka Shacbiga Somaliland iyo ka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu  Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dhamaanba Mujaahidiintii SNM, meel kasta oo ay joogaan isagoo ugu hambalyeynaya Madaxweynuhu Sannad Guurada 33 aad, oo u astaysan maalinta mujaahidka SNM.

 

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu tilmaamay in mujaahidiintii SNM, halgankii ay soo galeen uu yahay midheheedu kay-nu maanta xor ku nahay, qaran jira ku hogaaminayno, Mustaqbal iyo Rajo wacana aynu hiigsanayno.

 

 

 

Waxay taasi ku timid in muwaadiniin fara-badan oo reer Somaliland ahi naftoodii, xoogoodii, iyo hanta-doodiiba, ay ku bixiyeen inay ku badbaadiyaan, inta badan shacabkooda reer Somaliland oo ay ku noolaadaan nolol xor iyo xalaal ah.

 

 

 

Waa xus iyo xasuus taariikhda ku dhignaan-doona inta qarankani jiro halgankaasi ummaddani ay soo gashay.

 

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu intaasi ku daray in xukuumad ahaan, sidaan horeba u sheegay, diyaar aanu u nahay waxla-qabashadooda, iyo Taageerada Mujaahidka, iyo Agoomihii ay ka tegeen Mujaahidiintii Dalkan u shihiiday.

 

Ugu danbayna waxa aan ALLE uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo intii dhimatay, Inta naafada iyo Inta kale ee noolna waxa aan ILLAAHAY uga baryayaa inay ku noolaadaan cisi, sharaf iyo Maamuus.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.