LUQADAHA – Qalinkii: Khaalid Cabdilaahi Ducaale

KHAALID DUCAALELuqaddu waa tiraab ay dad gaar ah ku hadlaan kuwaas oo wada degan degmo kaliya, waan isku afgartaan, waxaa badanaa sameeya deegaanka ay ku noolyihiin.

Afka ama Luqada taarikhdeedu aad iyo aad ayay u dheertahay, waxaa ka soo bilaabamtaa ilaa Abuuridii Aabeheen Aadan. Waxaa ilaa hada jira luqado gaadhay ilaa 6,500 oo luqadood, in ka badan 2,500 oo luqadooda, waxaa ku hadal dad ka yar 1000 qof.

Luqada dadka ugu badan ku hadlaa Dunida waa luqada Jayniiska waxaa ku hadal in ka badan 1,197,000,000 qof, waxaa kaalinta Labada ku jira Luqada Isbaanishka waxaa ku hadal 414,000,000 oo qof, waxaa kaalinta Sadexaad ku jira Luqada Ingiriisida waxa ku hadal 335,000,000 oo qof, kaalinta afraada luqada Hunduuga 260,000,000, kaalinta Shanaad ah Luqada Carabiga 237,000,000, kaalinta Lixaad waa Bortaqiiska 203,000,000, kaalinta Todobaad waa Luqada Bangalooga 193,000,000, kaalinta Siddeedaad waa Luqada Ruushiya 167,000,000, kaalinta Sagaaladad Luqada Jabaaniska 122,000,000, kaalinta Tobonaad waa Luqada Jafiiska 84,300,000. Halka luqada caalamiga ah tahay Luqada Ingiirisada.

Waxaa dadka cilmiga dheer u leh luqadaha ee loo yaqano luqadayahanada (Linguistic), waxay sheegeen in Dunida markii ugu horeeyay ka jirtay hal Luqada, taas oo inta kale ka soo tariifmeen (luqadaha kale), hadaba luqada ayaa asalka ah ayaa muran ka jiraa yahay, balse waxaa u badantahay in ay tahay luqada CARABTA.

Dadku markii hore hal luqada ayay lahayeen, waxa luqadaha abuurnee markii dadku kala tagaan, Tusaale ahaan: Dad meel wada dagaa oo hal af leh, ay kala guuraan, oo kala goodoomaya, marka mudo ka soo wareegto waxa abuurna luqado kale sababta waxa kala duwan Cimilada iyo nolosha, luqada waxa ku saabsanahay Nolosha Dadka iyo Deegaanka, waxyaabaha ku xeeran dadka sida Geedka, meel kasta oo ku yaal waa Geed balse luqada kasta waxaa loo yaqaan wax gooni ah sida LuqadaIingiriisida Tree. Luqada Faranjka Arbre, Luqada Arabiga شجرة , Luqada Isbaanishka árbol, Luqada Jaynaha 樹 Luqada Raashiyaanka дерево. Sidaa darteeda, marka dadku tagaan deegaan cusub waxaa abuurma luqada cusub,ama waxaa isbadal wey ku dhacaa luqadii hore ilaa ay noqoto luqada kale.

Sida ay luqaduhu isku xidhan yihiin, waxad ka dareemaysaa luqada afsomaliga hadii aan u fiirsato waxaa ku jira luqado kale sida Af Carabi, Af Ingiriisi. Af Talyaani, Af Hindi iyo Luqado kale. sidaa si la mid ah luqada Carabiga, Ingiriisida iyo kuwa kaleba waxaa ku arkaysaa luqado kale oo ku jira,

Waxaa keenayay isku xidhantaan ama is dhexgalka Luqadaha Ganacsi, iyo hayaanka nolosha aamniga ee isku xidhan. Waxaa taasi keenay in ay luqaduhu kala awood bataan, istimaalkooduna qaar bataan qaar ay yaraadan. Wax ka badan 2500 oo luqadooda ayaa waxaa qarka u saaran in ay tirmaan. waxaa ku jirka luqadeena Af-somaliga. Sababta ugu weyni waxay tahay iyadoo dadkii Afafkaas lahaan aan daryeelin, oo u gudbintii jiilasha cusub iyo Horumarin ku sameyn Afkooga. Ilaalin Afka iyo kor u qaadida Aqoonta Afka waa muhiim.

Ugu danbayntii waxaa Umadda Af-somaliga ku hadash u soo jeedin lahaa in la ilaaliyo, daryeel buuxdan la siiyo Af-Somaliga, Cilmiga lagu qoro, loona sameeyo Xarunta Horumarinta Luqada Af-Somaliga oo ka dhexeeya dadka soomaaliyeeda.

Qalinkii: Aqoonyahan Khaalid Abdilaahi Ducaale

Tel: +252-634111694

Twitter: @KHDualeh

Email: khdualeh@gmail.com

www.khdualeh.blogspot.com