Loollan la isku hirdiyey Lacag 52 Kun oo Doollar ah oo ku soo afmeermay in Xilka laga qaado Agaasimihii guud ee Cusbitaalka Hargeysa

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxa uu maalintii Axaddii ee toddobaadkan xilkii Agaasimennimo ka xayuubiyay Agaasihii guud ee Cisbitaalka magaalada Hargaysa Dr Carabayte.

Xilka-qaadistaas ayaa waxay kusoo beegantay xilli buuq iyo guux salka ku haya arrimo lacageed oo ka dhexdhashay  Wasiirka Wasaradda Caafimaadka, Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka, Agaasimaha guud ee xilka laga qaday iyo khasnajiga Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, iyadoo ay ku muransanaayeen lacag uu qaddarkeedu gadhayo illaa 52 kun oo Doollar oo Wasiir ku-xigenka Caafimaadku ka codsatay in loo soo gudbiyo, hase yeeshee aan loo soo gudbin, taasi oo abuurtay muran badan oo baryahanba ay qaadaa-dhigayeen Warbaahinta dalku.

Iyada oo arrinku uu halkaasi marayo sida la sheegay ayuu Wasiirka Wasaaradda Caafimaadku ku amray Agaasimaha guud ee Cusbitaalka guud in uu xilka ka qaado khasnajiga Cusbitaalka guud oo isagu diiday inuu saxeex la’aan ku wareejiyo lacagtaasi. Illa wareedyo xog-ogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegeen in waraqadda uu Wasiirku soo qoray aanay ahayn mid uu ku yaallo tittle-ka khasnajiga, ha yeeshee uu ku xusan yahay Xisaabiyaha Cuisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, taasi oo loo macneeyay inay ahayd waraaq cadho iyo ciil lagu soo qoray oo aan hubsasho badani ka muuqan.

Si kasta oo ay ahaataba, Agasimaha guud ee Cusbitaalka Hargeysa Dr Carabayto oo immika xilka laga qaaday ayaa ku celiyay Wasiirka waraaq qoraal ah oo uu ugu sheegayo in aanu eryaynin muwaaddinkaasi oo isagu si sharci ah hawlmaalmeedkiisa shaqo u gudanayay, isla markaana aanay jirina tallaabooyin khaldan oo uu qaaday loona cuskado erigiisa.

Arrintan ayay ka dib Saxaafaddu ka war heshay waxaanay noqotay mid meel walba lagu hadal hayo, Wasiirku isaga oo ka duulaya arrinkaasi iskuna dayaya in uu ka dejiyo xaalku halka uu marayo hadda ayuu dib u soo qoray warqad uu ku raalli-gelinayo Agaasimaha Cusbitaalka kuna farayo in khasnajigu uu sii wato hawlmaalmeedkiisa shaqo.

Wasiirka Wasaaraddaasi ayaa waxa uu sheekadaasi ku soo afjaray shir jaraa’id oo uu qabto kuna beeninayo qoraallada ay Warbaahinta qarkood qoreen isaga oo xilkiina ka qaaday Agaasimaha guud ee Cusbitaalka magaalada Hargeysa.

Waxa qoray maqaalkan Maxamed C/xakiim Maxamuud(Miyir).