London: Wargeys Is-barbardhigay Somaliland vs Somalia iyo Xaaladaha Siyaasadeed ee Muuse Biixi iyo Farmaajo ku sugan yihiin

London (SLpost)- Wargeyska Maalinlaha ah ee KCW Today oo ka soo baxa dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London, ayaa warbixin ka qoray dedaallada Somaliland ugu jirto inay aqoonsi caalamiya ka hesho beesha caalamka, iyadoo warbixinta laysku barbar-dhigay Xukuumadaha Somaliland iyo Somalia ee ay kala hoggaamiyaan Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.

 

Warbixinta uu qoray Wargeysku waxa lagu xusay inay saameyn weyn yeesheen dhaq-dhaqaaqyada diblomaasiyadeeda ee Somaliland ka sameysay dedaalada ay ugu jirto aqoonsiga ay ka rabto beesha caalamka.

 

KCW-Today ayaa soo qaatay qoraal lagu daabacay bishii hore barta Twitter-ka ay ku leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, kaasi oo Somaliland loo adeegsaday ereyga ‘Dal’, taas oo Wargeysku ku micneeyay inay tahay markii u horeysay ee waddan kamid ah caalamku uu Somaliland u qiro waddan madax-bannaan.

 

Wargeyska KCW-Today waxa uu xusay in ururkii dhaq-dhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM uu Bishii May ee sannadkii 1991-kii iskugu yeedheen waxgaradka beelaha, kuwaasi oo ku dhawaaqay Somaliland oo mar uu xukumi jiray Ingiriisku.

 

Sidoo kale, waxa uu Wargeysku isbarbar dhig ku sameeyey dowladnimada iyo ammaanka ka hirgalay Somaliland iyo nabadgelyo darrada iyo burburka ku gedaaman Somalia, iyadoo warbixinta lagaga ka markhaati kacay in Somaliland gabi ahaanba ka duwan tahay kana badbaadday mashaqada ka jirta Soomaaliya.

 

Jariiradda KCW Today waxa uu warbixintiisa ku xusay in Somaliland uu madaxweyne ka yahay Muuse Biixi Cabdi oo hore u ahaan jiray duuliye ka tirsanaa ciidammada cirka, waxa kaloo uu wargeysku xusay in Somaliland ay leedahay ciidammadeeda Booliska iyo lacag u gaar ah.

 

Sidoo kale,  Wargeysku waxa uu xusay inay Somaliland qaadday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ay xidhiidh kula samaysay Qarammada Midoobay, Midowga Africa (AU) iyo Waddamo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Finland iyo Mareykanka.

 

Kensington, Chelsea and Westminster Today,  waxa uu warbixintiisa ku sheegay haddii Kenya ay hormuud ka noqoto aqoonsiga Somaliland inay talaabadaasi noqon doonto mid xiiso leh oo lagu soo qaadi doono shir madaxeedka Midowga Afrika ee lagu wado inuu qabsoomo horaanta sannadka 2020-ka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net