LONDON: Sagootintii Abwaan Weedhsame oo xalay ka amba-baxay Heathrow, maantana ku beegan Hargeysa oo soo-dhawayntiisa laga dareemayo

WEEDHSAMELondon (SLpost)- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo labadii bilood ee u dambeeyey socdaal ku joogay dalka Ingiriiska, ayaa Xalay ka soo amba-baxay Garoonka diyaaradaha ee Heathrow ee magaalada London, isaga oo ku sii jeeda dalkii hooyo.

Abwaan Weedhsame waxa madaarka Heathrow ku sii sagootiyey Fanaaniin uu horkacayo Bahd Fanka iyo Fannaaniinta London oo ay horkacayaan Maxamuud Cumar Yare, Nuur Daalacay, qaar ka tirsan Jaaliyadda London

Abwaan Weedhsame ayaa la filayaa inuu gelinka hore ee Isniinta maanta ka soo dego Garoonka Caalamiga ah ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, waxaana magaalada Hargeysa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ay bahda Fanka iyo Asxaabtiisu ugu jireen soo-dhawayntiisa ilaa shalay gelinkii hore.

Abwaan Weedhsame ayaa dalka Ingiriiska ku tagay marti-qaad uu ka helay Ururka Fanka iyo Dhaqanka ee Kayd, isaga oo ka qayb-galay Barnaamijka Somali Week Festival oo ah munaasibad loogu talo-galay soo-bandhigista Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida, iyada oo lagu marti-qaado Abwaannada, Fannaaniinta iyo Jilayaasha Caanka ah ee Soomaalida.

WEEDHSAMEEIntii uu ku sugnaa Abwaanku magaalada London, ka sokow munaasibadda lagu marti-qaaday ee Somali Week Festival, waxa uu qabtay Kulamo uu suugaantiisa ugu soo bandhigay jaaliyadda reer UK isaga oo booqasho ku tagay dhowr magaalo oo dalkaas ka mid ah.

WEEDHSAMEEE