London: Qaraar Maxkamadeed oo Baajiyey Go’aan ka soo Baxay Wasiirka Daakhiliga Ingiriiska

London (SLpost)- Garsooraha Maxkamad ku taala magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa shalay horjoogsaday go’aan Xoghaya Arrimaha Gudaha dalkaas Theresa May ku doonaysay inay dalkaas kaga mastaafuriso nin Soomaali ah.

Asylum-GettyQaraarka ka soo baxay Maxkamadda oo hakiyey amarka Mastaafurinta Wasiirku doonaysay inay ninka Soomaaliga ugu soo mastaafuriyo Soomaaliya, ayaa yimi ka dib markii ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdilaahi uu racfaan ka qaatay Maxkamadda dhegaysanayey dacwaddiisa, taasina sababtay in la hakiyo go’aanka tarxiilka ah ee dalkiisa dib loogu celinayey.

Sida lagu baahiyey jariiradda The Indepenent oo ka soo baxa magaalada London, qaraarka maxkamaddu ka gaadhay dacwadda ninkan, ayaa saamayn ku yeelanaya kumanaan Soomaali ah oo xukuumadda Ingiriisku qorshaysay inay dib ugu celiso dalkooda.

“Kuma cabiri karo hadal guusha go’aanka garsooraha. Baqdin weyn ayaa I haysay, waa goobtii aan ka soo cararay, dalka Ingiriiska waxaan u imi inaan nolol fiican ku helo,” sidaa waxa yidhi Cabdilaahi oo dareenkiisa muujiyey ka dib go’aanka lagu joojiyey in la mastaafuriyo.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ingiriiska ayaa sheegay inay dib u celin doonaan qof kasta oo sharci-darro ku jooga dalkaas isla markaana loo waayo duruufo halis ku ah noloshiisa.

“Waxaan aaminsan nahay in kuwa keeni waaya duruufo halis ku ah noloshoosa, iyagoo raali ka ah dib ugu laabtaan dalkooda, hadii kale, khasab ayaan ku celin doonaa,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Waxaanu intaas raaciyey, “Ma jiro isbeddel ku yimi siyaasadayadii ahayd inaanu dib ugu celino Soomaalida dalalkooda Soomaaliya iyo Somaliland, taasina way sii socon doontaa,” ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ingiriiska.

 

SOMALILANDPOST.NET