Lodon: Qoys Muslim Ah Oo Loo Diiday Inay Maraykanka U Safraan

London(SLpost)- Xubin ka tirsan baarlamanka Britain ayaa warqad u qortay ra’iisul wasaaraha dalkaas David Cameron kana dalbatay inuu Mareykanka sharraxaad ka weydiiyo sababta qoys muslimiin British ah loogu diiday inay u safraan gobolka California, daqiiqaddii ugu dambeysay.

Stella Creasy, oo laga soo doorto waqooyiga bari ee London, ayaa warqaddeeda ku sheegtay in qoyska oo ka kooban aabe, walaalkiis iyo 9 caruur ah, loogu yimid garoonka diyaaradaha ee Gatwick ee London, loona sheegay inaysan raaci karin duulimaad u socday Mareykanka, 15-kii bishan December.

Creasy ayaa wargeysyada Britain u sheegtay inay aad uga walaacsan tahay tirada sii kordheysa ee muslimiinta Britain ee loo diiday inay galaan Mareykanka sabab la’aan. Mahmood Tariq Mahmood, oo la safrayey walaalkiisa iyo caruurta walaakiisa, si ay u booqdaan qoyskooda oo ku nool koonfurta California, ayaa u sheegay wargeyska the Guardian, inuu rumeysan yahay in sababta loogu diiday inay galaan Mareykanka ay tahay inay yihiin Muslimiin.

“Sababta waa weeraradii lagu qaaday Mareykanka – Waxay moodaan in qof kasta oo muslim ah uu yahay halis” ayuu yiri Mahmood Tariq Mahmood.Safaaradda Mareykanka ee London, ayaa illaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixin arrintan.

Source: VOA