Lixdan askar UAE iyo Sacuudi oo la dilay

Yaman(SLpost)-Waxaa hadda soo baxay weerar ay mucaaradka Xuutiga qaadeen inay ku dileen lixdan ka mid ah ciidamada isbahaysiga ee uu Sacuudiga hogaaminayo.

150905100051_uae_yemen_killed_soldiers_640x360_afphowam

Sacuudiga ayaa sheegay in toban ciidamadiisa la dilay, halka afartan iyo shan ka timid Isutaga Imaaraadka Carabta ay dhinteen, taas ayaa ah qasaarihii ciidamada ee ugu waynaa taariikhda UAE. Waxaa loo malaynayaa shan askari oo ka timid Baxrain inay ku dhinteen. Iyadoo faahfaahinaysa weerarkii Jimcaha ayay UAE sheegtay in gantaal lagu soo riday baqaar hub uu qarax abuuray.

Markaas kadib diyaaradaha isbahaysiga ayaa beegsaday goobo mucaaradka Yemen.War ayaa sheegaya in kabadan labaatan rayad ah inay ku dhinteen weerar magaalo madaxda Yemen ee Sanca.