Lix Qof oo ku Dhaawacmay Shil baabuur oo duleedka Yagoori iyo Laba Maxbuus oo uu danab ku qabsaday Saldhiga Boorama

Yagoori (SLpost)- Lix qof ayaa ku dhaawacmay Isku Dhac ka dhashay Laba Gaadhi oo ay Saarnaayeen waxaanu Shilkaasi ka dhacay Duleedka Magaalada Yagoori ee Gobolka Sool.

Shilkan oo ka dhashay Kadib Markii ay is galeen laba Baabuur oo Noocoodu kala Yahay Toyota Landcuriser uu leeyahay Taliyaha Saldhiga 7aad ee Ciidamada Qaranka iyo Gaadhi Noociisu yahay Mini Bas oo Rakaab siday.

Taliyaha Laanta Nabadgalyada Wadooyinka ee Gobolka Sool Axmed Muuse Siciid ayaa Sheegay in dadkii Shilkan ku dhaawacmay Lagu dawaynayo Cisbitaalka Magaalada Laascaanood waxa uu Taliyuhu ugu baaqay Gaadiidlayda isaga Kala Gooshta Gobolka Sool inay Si Mas’uuliyadi ku Jirto u Socdaan Xiliga ay Safarka ku Jiraan.

qalibbaabuur1Maalintii Shalay ayaa Waxaa deegaanka Cara-Yaanbo ee Duleedka Arabsiyo ka dhacay Shil Ka Dhashay laba Baabuur,Kaas oo Sababay Dhimashada Sagaal Qof iyo Todoba Ruux oo ku dhaawacmay .

Geesta kale, laba Maxbuus oo Ku Jiray Saldhiga Booliska ee Magaalada Boorama ayaa dhaawac ka soo gaadhay Danab Xoogan oo Galabta ku dhacay Saldhigaasi Xili uu da’ayay Roob Weyn.

Danabkani Waxaa kale oo uu Khasaare soo gaadhsiiyay Qaybo ka mid ah Saldhiga Magaaladaasi iyo Fagaaraha Khayriyada ee  Magaalada Boorama oo ka soo horjeeda Saldhiga Booliska ,Sidoo Kale Waxaa uu Danabkani Jiingadihii ka qaaday Xaafada Xalane ee Magaalada Boorama.

Horaantii Todobaadkan ayay ahayd markii uu hal Nin ku Geeriyooday labana ku dhaawacmeen  Danab ku qabsaday Deegaanka Sog- Sogley oo oo dhinaca Woqooyi-Galbeed kaga beegan Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Somalilandpost.net