Liiska Waddamo Dowladda Ingiriisku Muwaadiniinteeda uga Digntay inay u safraan

London (SLpost)- Dawladda Ingiriiska, ayaa muwaaddiniinteeda dalxiisayaasha ah u dirtay digniin culus oo la xidhiidha inay waajihi karaan falal argagixiso, iyadoo ugu baaqday dadkeeda inay si degdeg ah uga baxaan waddanka Tuuniisiya.

Warkan oo ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka ee Ingiriiska, ayaa lagu sheegay in muwaaddiniinta dalxiisayaasha Biritish-ka ah khataro ku waajihi karaan dalalka woqooyiga Afrika, gaar ahaan Tuunisiya, Afghanistan, Liibiya iyo waddamo kale oo adduunka, waxana dadka Ingiriiska loogu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, kadib markii dalxiisayaal badan oo dalkaas u dhashay lagu dilay waddanka Tuunisiya dabayaaqadii bishii June ee la soo dhaafay.

ee“Kadib weerarkii ka dhacay magaalada loo dalxiis tago ee Sousse oo ka mid ah waddanka Tuunisiya, xogaha sirdoonka iyo sawirka khatarta ah ee noo muuqdaa sare ayuu u sii kacayaa, iyadoo aannu si dhaw ula soconno khataraha argagixiso ee jira oo xilli kasta dhici kara, sidaas darteed waxa aannu muwaaddiniintayada ugu baaqaynaa inay si degdeg ah uga baxaan gudaha dalka Tuuniisiya, cidda kale ee u safraysaana aad uga fikiraan haddii aanay hawlo muhiim ah u socon.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska Mr. Philip Hammond.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay dawladda Tuunisiya kala shaqaynaynaan sidii looga hortagi lahaa khataraha argagixiso ee muuqda, isla markaana baadhitaanno xooggan oo dhinaca ammaanka ah loo samayn lahaa, isagoo xusay inay madaxda dalkaas ka go’an tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen dadka falalka xun wada ee dhibaatada ku ah dalxiisayaasha.

Dawladda Ingiriiska ayaa sidoo kale soo saartay liiska dalal ay sheegeen in dalxiisayaashoodu kala kulmi karaan khataro nabadgelyo-darro, kuwaasoo lagula taliyey muwaaddiniintooda in aanay safar ku tagin, haddii kalena muujiyaan feejignaan dheeraad ah, waxana waddamadaas ka mid ah; Suuriya, Angola, Burundi, Burma, Cambodia, Chad, Cameroon, Colombia, Congo, Sudan, Ivory Coast, Thailand, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Egypt, Georgia, Guinea, Haiti, Mali, Saudi Arabia, Turkey, Bangladesh, Ecuador iyo Burkina Faso.