Liiska Magacyada 6 Xubnood oo Guddiga Doorashooyinka ah oo Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey Golaha Wakiillada

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa soo saarey digreeto ku shaaciyey liiska 6 xubnood oo ka mid ah xubnaha guddiga Doorashooyinka oo magacyadooda uu u gudbiyey Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, waxaana ka maqan xubinta xisbiga Waddani oo madaxweynuhu dib ugu celiyey xisbigaas, ka dib markii uu sheegay inay xubintaasi buuxin weyday shuruudihii looga baahnaa.

Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha Somaliland

Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee sii haya xilka Komishanka oo wakhtigoodu ku egyahay 29-ka bishan, ka dib muddo shan sanno ah oo ay dalka ka soo qabteen laba doorasho, waxa beddelaya xubno cusub, kuwaas oolagu wado inay dalka ka qabtaan doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada iyo golaha wakiillada.

Guddiga Doorashooyinka oo 7 xubnood ka kooban, saddex ka mid ah waxa magacaaba madaxweynaha, laba ka mid ah Golaha Guurtida, halka laba xubnood ee kale ay soo kala magacaabaan labada xisbiga Mucaarad.

Warsaxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada oo lagu shaaciyey in madaxweynuhu u gudbiyey golaha Wakiillada Xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo kala dhiman, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/SHGW/081-2813/102014,

Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyada Somaliland ugu gudbiyey Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka ee buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, kuwaasi oo ka kooban lix xubnood oo cusub bedelna u noqon doona Xubnihii hore komishinka Doorashooyinka Qaranka ee wakhtigoodu dhamaaday.

Ujeeddo Madaxweyne:  Soo Gudbin Xubno, Guddida Doorashooyinka Qaranka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, waxa dhammaad ku dhaw muddo xileedka Guddida Dorashooyinka Qaranka. Sidaas darteed, waxa lagama-maarmaan ah in aan beddelkoodii idiin soo gudbiyo.

Haddaba, waxaan si sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinayaa Lix (6) Xubnood oo ka mid noqon doona xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay soo gudbiyeen dhinacyadii uu sharcigu awoodda u siiyey soo xulidda saamiga kaga beegan si waafaqsan hab-raaca ku qeexan Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer No.20/2001, Qodobkiisa 11, Faqraddiisa 2aad.

 

Magacyada Xubnaha cusub ee buuxiyey shuruudihii xubinnimo ee looga baahnaa sida uu dhigayo Xeerka Doorashoyinka Xeer No.20/2001 Qodobkiisa 12 waxay kala yihiin:-

Xubnaha Madaxweynuhu soo Xulay:

  1. Mudane, Maxamed Jaamac Maxamed.
  2. Mudane, Maxamuud Jaamac Wacays.
  3. Marwo, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi.

Labada Xubood ee Golaha Guurtida:

  1. Mudane, Siciid Cali Muuse.
  2. Mudane, Cabdi-qaadir Iimaan Warsame.

Xubinta Xisbi UCID:

  1. Mudane, Cabdi-fataax Ibraahim Xassan.

Waxaan soo jeedinayaa inaad xubnaha si dhakhso ah uga gudataan waajibaadkiina Dastuuriga ah.

 

Fiira-gaara;

1)   Xubinta ka dhiman Xubnaha Guddida waxaan soo gudbin doonnaa markay buuxiso shuruudaha

2)   Waxa halkan ku lifaaqan CV-yada Xubnaha Cusub,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.