Liiska Ciyaaryahanada U Tartamaya Kubbadda Dahabka ah oo la soo Saaray

 

(SLpost)-Ururka caalamiga ah ee Kubadda Cagta dunida ee FIFA, ayaa soo saaray liiska magacyada musharixiinta ciyaartoyga sannadkan u tartami doona abaalmarinta FIIFA, ay bixiso ee kubadda dahabka ah ee la siiyo ciyaaryahanka laacibka ah ee dunida ugu wanaagsan.

 

 

Liiska musharaxiinta ciyaartoyga u tartami doona abaal-marintan qiimaha badan ayaa ayaa waxa ku jira Shan ciyaaryahan oo u ciyaara kooxaha horyaalada Ingiriiska, oo seddex ciyaarhan oo shantaa ka mid ahi ay u ciyaaraan kooxda Manchester City, kuwaas oo kala ah: Sergio Aguero, Kevin De Bruyne iyo Yaya Toure, balse, ciyaaryahanka lagu magacaabo Gareth Bale, oo ah laacibka Wales iyo Real Madrid, weerarka uga ciyaara ayaa ah ciyaartoyga keliya ee British ah ee ku jira liiska ciyaartoyga musharixiinta ah. Iyada oo sidoo kale ay liiskan ku jiraan Eden Hazard oo kooxda Chelsea, u ciyaara  iyo Alexis Sanchez oo kooxda Arsenal, ka tirsan.

 

 

Laacibka Cristiano Ronaldo ee Real Madrid oo isagu haysta Kubbadda Dahabka ee loo tartamayo iyo laacibka kooxda Barcelona, ee Lionel Messi, oo labadoodu ay hore ugu kala guulaysteen abaalgudkan toddobadii sano ee la soo dhaafay, ayaa safka hore ka galay liiska musharraxiinta ee sannadkan.

 

 

Dhinaca kale, maamulaha kooxda Chelsea, Jose Mourinho iyo maamulaha kooxda Arsenal, Arsene Wenger, ayaa iyaguna ka mid ah Toban ababare oo u sharraxan maamulaha ugu wanaagsan sanadka waxaanay la tartami doonaan maamulaha kooxda Barcelona, Luis Enrique, oo kooxdiisa u horseeday inay saddex koob oo kala ah horyaalka Yurub ee Champions League, Spanish league iyo Spanish cup, ay ku guulaysato iyo maamulaha kooxda Bayern Munich,Pep Guardiola.