Liibiya Oo Loo Kabkabaayo Xukuumad Midaysa Dalkaas Oo Dagaalo Aafeeyeen

Liibiya(SLpost)-Golahan cusub ee wasiirada ee la soo bandhigay ayaa waxaa uu ka koobnaan doonaa 13 wasaaradood iyo shan wasiiru dowle.

Golahan ayaa maalmaha soo socda waxaa la horgeyn doonaa baarlamaanka Liibiya ee uu saldhigiisu yahay magaalada bariga ku taalla ee Tobruk, si uu ansixiyo ama uu u diido.

Xubin ka tirsan Golaha Madaxtooyada Liibiya oo uu lagu wado inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha mustaqbalka ee dalkaasi, ayaa ugu baaqay barlamaanka in xubnaha cusub uu meelmariyo, isagoo sheegay in ay xubnahaasi ay keeni doonaan hannaan lagu dagaalamo argigixisada.

Qorshahoodii ugu horreeyay ee ay soo bandhigeen bishii Janaayo ayaa lagu diiday in uu ahaa mid aad u weyn oo uu hareeyay khilaaf ku salaysan cidda qabaneysa jagooyinka sarsare ee ammaanka.

Golaha Madaxtooyada Liibiya ayaa bishii Diseembar waxaa lagu sameeyay heshiis ay garwadeen ka aheyd Qaramada Midoobay.

Xubnaha golahaasi ayaa weli waxa ay ka howlgalaan dibadda dalka hasayeeshee kooxo iska soo horjeeda oo ku sugan caasimadda Tripoli, iyo maleeshiyaadka iyaga taabacsan ayaa weli waxa ay ka soo horjeedaan heshiiskan siyaasadeed.