Leverkusen iyo Munich oo isku af-garan waayay Vidal

Vidal

Kooxda Bayer Leverkusen ayaa cadeysay in kooxdu aanay ka iibin doonin  Arturo Vidal kooxda Bayern Munich ama koox kaloo ka tirsan horyaalka Bundesliga, isla markaana aanu laacibkaa khadka dhexe ka tegi doonin kooxda xagaagan.

Laacibkaa reer Chile oo qaab ciyaareed fiican ka muujiyey xilli ciyaareedkii dhamaaay oo kooxdiisu soo gashay kaalinta labaad aya lala xidhiidhinayey inuu u wareegayo Munich.

inkastoo sidaasi jirto, laacibkuna sheegay inu xiisaynayo u wareegitaanka Bayern, Voller aya cadeeyey in Vidal u wareego dibeda haduu doonayo inuu ka tago kooxda.

Vidal

“Bayern waxay doonaan ha bixiyaan, ma helayaan laacibkaa, waxuu eliya u wareegi karaa kooxo dibedda ah,” ayuu u sheegay Kicker.

Kooxo badan oo ay ka mid yihiin Arsenal, Napoli iyo Milan, ayaa la sheegay inay xiisaynayaan laacibka, fursada helitaankooda ayaa haatan la sheegay in hadalka Voller sii bayaamiyey.

Laacibkaa 24jirka ah oo heshiiskiisa kooxdu dhamaanayaa June 2012, ayaa qiimo gaadhaya 15 million euros la sheegay inay diyaar u tahay in kooxda Leverkusen ku iibinayso.