Laxaad La’aan, Xuduud La’aan!

 ‘No limbs no limits’

Nicholas James oo loo yaqaan Nick Vujicic waxa uu ku dhashay Meelboorn, Ustaraaliya (Melbourne, Australia). Inkasta oo markii uu Nick dhashay ahaa ilmo boqolkiiba boqol caafimaad qaba haddana Nick waxa uu dhashay isaga oo bilaa gacmo iyo bilaa lugo ah. Tani waxay af kala qaad ku noqotay dhaqtarkii iyo waalidkii dhalayba. Inkasta oo waalidiintii Nick u qaadan waa ku dhacay haddana wax aqbaleen in Ilaahay siiyay ilmo sidan ah. Nick waa uu koray isaga oo caafimaadkiisuna taam yahay. Nick gobolka uu degannaa mamnuuc ayay ka ahayd in carruurta laxaadka li’I dugsiyada aadaan balse Nick waxa uu noqday ilmihii ugu horreeyay ee naafo ah ee aada dugsi.

nick-vujicic-promo

Si kasta oo Nick isaga oo naafo ah ardaynimo loo ogolaaday haddana haddana Nick wuxuu kala kulmay dugsigii dhibaatooyin badan oo ay soo gaadhsiin jireen ardayda la dugsiga ah. Nick si nafsi ah iyo si jidh ahaaneedba waa loo dhaawacay taas oo sababtay in uu isku dayo dil markuu jiray sagaal sanno. Nick naafanimadiisu waxay ku keentay niyad jab badan oo uu ka qaado noloshiisa wuxu naftiisa u sheegay in aanay noloshu u suurtoobayn. Nick waxa in uu noolaan karo tustay hooyadii oo mar walba ahayd qofka dhiirigaliya. Hooyadii waxa ay tusi jirtay dad laxaadla haddana nolosha waajahay.

Ugu danbayntii markii uu Nick waynaaday waxa uu noqday qof ku qanacsan boqolkiiba boqol noloshiisa wuxuuna naftiisa u sheegay in uu u noolaan karo waxna u qabsan karo sida dadka laxaadkoogu u dhammaytiran yihiin oo kale. Nick waxa kale oo uu ogaaday in uu dadka dhiiri galin karo.

Nick waxa uu wax ku qoraa laba suul oo yaryar oo kaga yaal lugta bidix, sidoo kale koombuyuutarka wuu isticmaali karaa wuxuuna qori karaa 45 erey daqiiqadiiba. Sidoo kale Nick wuxu ciyaari karaa kubbadda Teniska, wuxu tumi karaa durbaanka, koob biyo ah wuu soo qabsan karaa oo cabbi karaa, timihiisa wuu feedhan karaa, ilkaha wuu cadayan karaa, telefoon wuu ka jawaabi karaa, gadhka wuu iska xiiri karaa. Sidoo kale ciyaarta Golf ayuu ciyaari karaa wuuna dabbaalan karaa.

Xilliyadii uu dugsiga ku jiray Nick waxa uu ahaa qof aad u firfircoon wuxu la shaqeeyay ururo badan oo arrimaha bulshada ka shaqeeya gaar ahaan naafada. 17 jir markii u ahaa wuxuu bilaabay in uu dadka la hadlo isla markaasna dhiirigaliyo waxa kale oo uu Nick aas’aasay ururkiisa uu ugu magac daray ‘Life with out Limbs’ ‘Nolol bilaa gacmo ah’. Nick waxa uu ka qalin jabiyay jaamacadda Griffith sannadkii 2003 waxa uuna ku takhasusay ganacsiga

Da’da sagaal iyo toban Nick adduunyada ayuu u socdaalay isaga oo la hadlaya isla markaana dhiirigalinaya malaayiin qof oo isugu jira arday, macalamiin, ganacsato iyo dad rayid ah. Meelaha uu qudbadaha ka jeedinayo waxa yimaadda tobonaan kun oo qof oo buux dhaafiya kuwaas aad u danaynaya dhagaysiga hadalkiisa. Nick maanta waa dhiirrigaliye adduunka oo dhan laga yaqaan sidoo kale waa qoraa, waa muusigyahan, jilaa iyo qof ka shaqeeya arrimaha bulshada. Waxyaabaha uu jecelyahay waxaa ka mid ah kalluumaysiga, sawirka iyo dabaasha.

Nick waxyaabaha layaabka leh ee uu leeyahay waxaa ka mid ah in uu aad iyo aad ugu qanacsanyahay abuurkiisa iyo noloshiisaba. Wuxuu rumaysan yahay in aanay waxba ka dhinayn. Waana nin rajadiisa nololeed aad u sarrayso. Waxa uu mar qoraaladiisa ku sheegay Nick in kabadhkiisa ay ugu jiraan beer kabo ah isaga oo aan haddana lahayn lugo tani waxa ay ku tusinaysaa heerka rajadiisu gaadhsiisan tahay.

2005 Nick waxa uu u sharaxnaa abaalmarinta ‘Young Australian of the Year’. 2008 Nick Waxay kulmeen Knae taas oo markii danbe noqotay gabadhiisii. Knae iyo Nick waxay isku dhaleen wiil.

Nick waxa uu qoray buugaag dhowr ah waxaana ka mid ah buugaagtiisa: Life With Out Limits ‘Nolol bilaa Xuduud ah’, Unstoppable ‘Aan la joojin karayn’, Stand Strong ‘U istaag si awood badan’ iyo Limitless ‘Aan xuduud lahayn’

‘Waxa aan ahay qof laxaad la’. Haa, gacmo iyo lugo ma lihi laakiin mushkilad maaha tani waayo muhiimaddu maaha sida aan u eekahay ee waa qofka aan ahay iyo waxa aan qabto’

Mid ka mid ah odhaahyadiisa.

 

Tixraacyo:

http://www.lifewithoutlimbs.org/about-nick/bio/

http://patriciabiographyassignment.weebly.com/biography-on-nick-vujicic.html

http://www.attitudeisaltitude.com/about-nick-his-story

http://ipost.christianpost.com/news/the-beautiful-love-story-of-nick-vujicic-and-his-wife-kanae-miyahara-10807/

Turjumidda iyo ururinta:

Muna Axmed Cumar

Muna_gafaneh@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland