Lama Marti Gelin – W/Q: Ceelaabe

Aroos Ayeynu Tegi doonaa Ayey saaxibadeed ku tidhi aan Garanaayo oo la igu Martiqaadey,Adiguna waad i Raaci doontaa oo Farxada Arooska waxaan ka Jecelahay Markasta in aad garabkeyga ahaato igana ag Muuqato Ayey ugu dartey,Diyaar  Ahow Ayaaamahan dhow ee Todobaadkan ayeyna ugu Gunaanadey Fariintii ay saaxibadeed la wadaageysey,Saaxiibadeed Dhageysi ka dib waxa ay ugu Jawaabtey Miyaa la inagu Martiqaaday oo Ogolaansho iyo Tigidho aynu ku tagno Ayaad inoo Helaysaa Mise Weynu iska tageynaa uun.Martigelin weynu Heysanaa oo haddii Tigidh labaad aynu weyno Keyga ayeynu Sawiran doonaa ee Adigu ha warwerin,su,aalihii ay is weydiinaayeen ayaa sii socdey oo ugu danbeyntii waxa ay ku murmeen Sidee ayey u dhici kartaa in Tigidh qof sito Mid kale ka sawirto kuna Dhaafo Albaabka.

Ma joogno beryihii ciyaarta iyo cuntada Aroosayda loo tegi Jirey oo meelkasta ayuu sharaabkii daadsan yahay ee Adiga uun tag walaal haddii aan la heleynin Martigelin labadeenaba si toos ah la inoogu fidiyo,Weli Imaad weydiinin Waa Kee Arooskaasi iyo Yaa la aroosayaa Midna sxb ee is Deji horta ,Waa Run hase ahaate cida ku soo Dalbatey waa in aynu ka helnaa Tigidho dhameystiran,Doodan kulul sxb inaga Qabooji iyo Su,aalahan aad igu boobeyso iska daa ayey ku celisey.Ka fekir Habeenka ku qaaliga ah saaxibadey in aan ka Maqnaado ma doonaayo,Dadkuna wey beden yihiin adiguna in aad i Raacdo Ayaan rabaa Tigidhkana weynu Sawireynaa.

Intaa ka dib Ayey haddana tidhi Walaal Ma lihi Calool Adeyg badan sidaada oo kale Horena Aroosyo badan uma tegin,Tigidh sawirana Weli kuma dhaafin Askarta Albaabka ee Iga daa, Joogitaanka iyo ka muuqashadu Muhiim ma ah mar haddii la  daawan doono Marka Cajaladu soo Baxdee,In la igu qabto dadka dhexdoodana la igu ceebeeyo Ayaa igaga daran.In Tigidh la sawirto lagu tago Xaflad ama Aroos Hortase Miyaaney dembi aheyn yaase eedaaasi qaadaya ama Dembigaasi ka masuulka Khiyaanada ah,Ma Adiga,Ma Aniga Mise Internet Caffe ku sawirey ee Lacagta inaga qaadaya.

Boqolaal qof Ayaa Sawirashada tigidho aan loo Keenin ku gala Xafalado badana,Haweenka badan ee kale ee iman doono Ayaanad la mid tahay oo waa la soo daaya Dhamaantood Markaa sxb intaad odhan laheyd Aroos ayaan ka Maqnaa qaali ah ila soo Arag oo ku calool adeyg arinka Kharashka Koofeerkana Anaa Bixinaaye.

Fursad aynu ku dhaafno haddii aynu helno Weynu Wada geleynaa,Calool Adeyg ayaa loo bahan yahay iyo in aad iska dhigto qof sita Kaadh sax ah,Isna Deji sxb Waxaan Garanayaa oo ku Dhaafin doona Inamada shaqeynaaya Qaar badan oo ka mid ah.

Fikradani maaha Mid shaqeyneysa Wey ka tanaasushey,Go,aana waxa ay ku gaadheen in ay is raacaan,Lana sawiro Kaadhka Keliya ee ay Heystaan. waxa ay ugu danbeyntii u tageen Internet leh Agabka wax sawira ee Scanninga loo Yaqaano oo u soo saarey Mid la mid ah Kaadhkii kana qaadey 1$.Inkasta oo ay werwereyso haddana wey qaadatey Kaadhka iskuna Diyaarin doontaa Maalinta arooska.

 

Weli  ma ku Kacdey in aad Sawirato Muuqaalka Tigidhada lagu Gelaayo Xafladaha,Aroosyada ama Meelo kale oo Muhiim ah Ayey in badan Hablo ay saaxibo yihiin oo kale weydiisey intaan Aroosku dhicin,Iyaguna waxa ay u sheegeen in ay badan tahay arintaasi oo Xaflado iyo Kulamo badan lagu dhaafo ayna tahay wax la Arko wakhtigan.

 

Habeenkii Arooska ayaa la soo gaadhey waxaa ayna isku Diyaariyeen Tegida iyo ka qeyb galka Xafladan aroos ee ay u qaadatey Kaadhka Bugta ah,Ileen qofku marka uu Foojari iyo been abuurad sito wax badan Ayaa u sanqadhaya oo Shaki Ayaa la buuxinayaaye ma Niyad sama inantu,Koofeerkii la tag la isna soo Dhis oo la soo Xidhey Dharka waayahan dhalinta habluhu aroosyada ku tagaan,loona Dhaqaaq dhinicii iyo Hudheelkii Aroosku ka qabsoomaayey,Markii baabuurtii laga degay Ayaa Mise waxa albaabka taagan Askar dhowr ah oo aad u Qalafsan loona Direy eegida Tigidhada Dadka arooska Yimid.Markiiba waxa la Qabtey inantii iyo Hablo badan oo iyaguna dhinac kale ka soo sawirtey oo meel gooni ah loo saarey,saaxibadeedna wey dhaaftey,Mar danbe oo Hawlo badani dhaceen,Sawir iyo Farxadina dhamaatey Ayey Tii gudaha ku Jirtey ugu yeedhay inamadii Arooska oo ay ka soo Deysey iyada oo Murugo dhameysatey ,Dharkii iyo Koofeerkii ay tagtey iyo Dhisidii ay gasheyna ka Xanaaqsan.