Lafaha Malko Durduro: Gebo-gebada Baadi-goobkii Dheeraa Ee Aabahay Iyo Saaxiibadiisii La Xasuuqay – Qaybtii 3AAD

Kaysar Cabdilaahi

Waxaan jecelahay in aan halkan mar kale ka caddeeyo sida ay horeba Xukuumada Somaliland u sheegtay in aan baadhitaanada ku saabsan xasuuqii ka dhacay Somaliland aanuu ahayn mid cid gaar ah ama beelo gaar ah lagu bar tilmaameedsanayo ama lagu xumaynayo, ujeedada laga leeyahay waa sidii dadkii dadkooda la xasuuqay ay u ogaan lahaayeen goobaha ama degmooyinka iyo magaalooyinka ay ku yaalaan xabaalo wadareedyadu si loo garto qof kasta goobta ay lafaha ehelkoodu ku aasan yihiin iyada oo la isticmaalayo nidaamka DNA da si markaas loo aqoonsado qof kasta oo xabaalahaas ku jira, dibna loogu aaso, iyo si loo raadiyo cadaaladana loo hor keeno madaxdii iyo ashkhaastii dhagartan geysatay

Qaybtii 3AAD

Kaysar Cabdilaahi

Muddo ayaamo ah markii aan Jigjiga joogay waxaan Bakhaarkii Sheekh Xasan kula kulmay ninkii magaciisu ahaa Macalin Axmed oo aanu mar kale aad u sii wada sheekaysanay, waxa uu ahaa nin wadaad ah oo Allah uu naxariis u dhaliyay, waxaana uu ahaa nin ganacsade ah oo ka dhex shaqaysan jiray inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Jigjiga, waxa uu Baabuur Sinjibiisha qaada u rari jiray Muqdisho, waxaana uu ka soo qaadan jiray Muqdisho alaab kala duwan, waxaan si qoto dheer uga warramay in Aabahay Allah ha u naxariistee la sheegay inuu Muqdisho ku xidhan yahay, waxaana aan dareensiiyay in ay iga go’an tahay inaan hubiyo Geeri iyo Nolol ka uu  Aabahay ku sugan yahay,  isaga oo aad uga naxay hadalkayga murugana ay ka muuqato wajigiisa ayuu si hoose  u yidhi Adeer Allah ayaan nabadqab uga baryayaa, waanan ka xumahay in aanad Aabahaa meel uu ku sugan yahay war ka haynin, waxaa kale oo uu ii ballan qaaday in uu diyaar u yahay in uu ilaa Muqdisho I geeyo si aan Aabahay warkiisa u soo helo,  markaas aanu macalin Axmed sheekaysanaynay waxaa noo dhawaa nin kale oo waayeel ah oo magaciisa la odhan jiray Sh. Cabdikariim oo aysku qolo iyo isku deegaan ahaayeen Macalin Axmed, kuwaas oo labadooduba uu deegaankoogu ahaa Tuulada Daadhi iyo Jigjiga oo isku dhow waxaanay qabiil ahaan ay isku abtirsiin ay ahaayeen nin gayiga Soomaalidu degto caan ka ahaa oo la odhan Wiil-Waal.

La yaab waxaa lahaa aniga oo bakhaarkii Sheekh Xasan ka sii baxaya oo nabad galyeeyay Macalin Axmed iyo Cabdikariim inta uu Cabdikariim iga soo daba dhaqaaqay ayuu gacanta iigu laabay Saddex Boqol oo Birr, waxaana uu igu yidhi adeer ha werwerin Insha Allah aabahaa waad heli doontaaye, waxa ninkaas ka muuqatay dareen Islaamnimo iyo wanaag uu ku muujinayay sida uu uga xumaa xasuuqa iyo burburkii iyo qaxii ay xukuumadii Siyaad Barre ka geysanaysay goboladii waqooyi waagaas.

Muddo todobaadyo ah ayaan sii joogay magaaladii Jigjiga waxaanan go’aansaday in aanay ka fursanayn inaan Muqdisho tago si aan uga wardoono Aabahay iyo Askarta kale ee lanoo sheegay in ay Xamar ku xidhan yihiin, markii aragooda noogu danbaysayna loo sheegay in Muqdisho loo bedelayo.

Arlada waxaa ka taagnaa colaad aad u daran oo aan la is bixinayn, Muqdisho iyo Jigjigana waxaa u dhexeeyay jid aad u dheer oo dadka SNM ku abtirsan jiray mararka qaarkood lagu laayo, Muqdisho lafteeda waxaa ka arriminayay taliskii Siyaad Barre oo uu damiirku diidayay in loo tago dawaladii barakaca iyo dhibaatada na haysatay geysatay, waxaase waxaas oo dhan aniga iiga muhiimsanaa inaan ogaado Aabahay geeri iyo nolol waxa uu ku sugan yahay,

Macalin Axmed waxa uu Muqdisho u rari jiray Sinjibiisha, waxaana uu ugu badnaan kaga soo laba noqon jiray Muqdisho ilaa Bil iyo badh, waxaan is tusay inay fursad qaali ah inaan ninkan sii raaco oo aan hadana soo raaco kana war keeno maxaabiistan la sheegayo inay Xamar ku xidhan yihiin, Waxaan markiiba bilaabay inaan si hoose ula faqo oo aan ula kulmo qof kasta oo aan garanayay oo Jigjiga Joogay, waxaanan u sheegi jiray inaan Muqdisho tagayo oo aan raacayo Macalin Axmed, waxa kale oo aan u sheegi jiray inaan la soo noqonayo oo ugu badnaan aan bil iyo badh ku maqnaan doono, waxaa kale oo aan siin jiray macluumadka Macalin Axmed, qoladiisa iyo meesha uu deggan yahay iyo halkuu ka ganacsado iyada oo aan tilmaami jiray haddii wax igu dhacaan inta aan sii socdo ama soo socdo in isaga ay igala xidhiidhaan, ta ugu muhiimsanayd ee dadkaas aan la kulmayay ka codsan jiray waa in aanay reerkaygii Daroor joogay u sheegin inaan Xamar tagay.

Miyaad waalan tahay!  Aabahaa ayaa maqan oo la waayay, colaado xun ayaa jira, adiguna ma wedkaagii ayaa doonanaysaa, maxaad Xamar ka doonaysaa ayay dadka qaarkood odhanayeen, qaarkood waxa ay lahaayeen Jidka dheer ee aad sii maryaso ayaa qoladaada darteed laguu dilli, qaar kale waxay lahaayeen   Macalin Axmed laftiisa ayaa laga yaabaa inuu ku dillo, halka dad kalena lahaayeen waar ninkan Macalin Axmed waa basaas dawlada Soomaaliya u shaqeeya oo markaad Xamar gashaan ayuu ku wanjali oo uu odhan nin SNM ah ayaan soo qabtay oo godka lagugu ridi ama lagu dilli! Run ahaan maan arag qof kaliya oo aan u sheegay inaan Xamar tagayo oo igu raacay, qof kastaa joog ayuu lahaa naftaada khatar ha galine.

Khatar kasta oo jirtay waxaa aniga igaga cuslaa in aniga oo nool aanan ogayn meel uu Aabahay ku sugan yahay geeri iyo nolol, waxaanan go’aansday inaan ka war keeno Aabahay iyo saaxiibadiisii kale ee Ciidamada ka tirsanaa ee iyaga oo dalkooda hooyo jooga oo aan wax danbi ah galin inta la uruuriyay lagu wargaliyay in Muqdisho loo bedalayo, iyada oo aan war iyo wacaal kale dib looga maqlin

Goor salaadii Makhrib ay tahay ayaan Masjid Jigjiga ku yaallay kula kulmay Macalin Axmed, waxaana aan waydiiyay goorta uu u baxayo Muqdisho, waxa uu ii sheegay in saddex maalmood ka dib uu baxayo, waxa kale oo uu in  aan diyaar u ahay inaan Muqdisho u raaco, waxaan u sheegay in aanay waxba dhulka iga ool oo aan diyaar u ahay inaan raaco, waxa uu Macalin Axmed ii sheegay in aanan wax kharash ah ka werwerin oo uu isagu debarayo wax kasta oo aan u baahdo, laba baabuurna ay u raran yihiin, waad mahadsan tahay intaan ugu jawaabay ayaan dadkii Asxaabta iyo ehelada  ahaa ee Jigjiga joogay aan u sheegay inaan baxayo saddex cisho ka dib, waxaa kale oo aan u sheegay in xataa kharashka safarkayga uu bixinayo Maclin Axmed.  Shaki aad u weyn ayaa kusii abuurmay qof kasta, waa maxay ujeedada ninkani ka leeyahay arrintan? Waxay badankoodu ii sheegeen inay caleentaydii cadaatay oo aan xabaashaydii lugahayga ku raadsanayo, waxaanay iga dalbadeen inaanan Xamar tagin ee aan Samrro……. Taasi way ii cuntami weyday waxaanan goor Subax ah kasoo baxnay Jigjiga iyada oo goor danbe oo casar gaabkii ah aan malaagada Dhagaxbuur soo galnay, Huteel yar ayaanu saddex qol ka kiraysanay aniga , Macalin Axmed iyo nin uu Adeer u ahaa oo aanu isku da’a dhaweyn, xiligii cashada iyada oo maqaaxi aanu cunto ka cunayno oo uu Macalin Axmedna meel xoogay noo jiro   uu Odayaal kula hadlayay ayuu si kadiso ah Ninkii Macalin Axmed adeerka u ahaa ii yidhi waar Qolomaad tahay? Intaan naxay oo aan is yara dhago mariyay ayaan u sheegay qolo aan sax ahayn, ,  waxaanan isagii ku celiyay su’aal ahayd adiga waan ku garanayaa oo Macalinka ayaa ku adeer ahe bal abtirsiintaada ii sheeg, Xaashi jeebada iigu jirtay  ayaan si degdeg ah ugu dul qortay, waxaanan mar kale ku idhi bal ku celi si aan u hubiyo inaanuu i khaldin, waa Abtirsiintiisii oo ka bilaabanaysa magaciisa koowaad, habeenkii markaan qolkayga galay ayaan dusha ka qabtay, waxaanan subaxdii soo toosay aniga oo ilaa bilow ilaa dhamaadka Kablo-Lax dusha ka xafidsan, xiligii quraacda intaan gaar ula faqay ayaa ninkii ku idhi waxaa jira war cusub oo sheegaya  in qoladayadii ay laayeen dad u dhashay deegaanka aynu sii dhex mari doono, sidaas daraadeed maadaama soomaalidu ay kala aarsato laga bilaabo imika dadka rakaabka ah ee ina sii raacaya haddii ay i kaa weydiiyaan u sheeg inaynu isku qolo nahay oo Macalin Axmed uu adeer inoo yahay, Macalin axmed isagu wuu ogaa qoladayda saxda ah,  hase yeeshee waxaan ka shakiyay in dhibaato ama su’aalo badani iiga yimaadaan haddii ninkan uu adeerka u ahaa dadka u sheegsheego cidda aan ahay! Aniga oo Tawakaltu Cala-Llaah  ley ayaanu galnkii danbe ka soo shiraacanay Dhagaxbuur……….

La Soco……….

Ambassador Kaysar Cabdilaahi
Bristol. UK
kaysar@diplomats.com