Lafaha Malko Durduro: Gebo-gebada Baadi-goobkii Dheeraa Ee Aabahay Iyo Saaxiibadiisii La Xasuuqay- Q.2aad

Kaysar Cabdilaahi
Kaysar Cabdilaahi

Waxaan jecelahay in aan halkan mar kale ka caddeeyo sida ay horeba Xukuumada Somaliland u sheegtay in aan baadhitaanada ku saabsan xasuuqii ka dhacay Somaliland aanuu ahayn mid cid gaar ah ama beelo gaar ah lagu bar tilmaameedsanayo ama lagu xumaynayo, ujeedada laga leeyahay waa sidii dadkii dadkooda la xasuuqay ay u ogaan lahaayeen goobaha ama degmooyinka iyo magaalooyinka ay ku yaalaan xabaalo wadareedyadu si loo garto qof kasta goobta ay lafaha ehelkoodu ku aasan yihiin iyada oo la isticmaalayo nidaamka DNA da si markaas loo aqoonsado qof kasta oo xabaalahaas ku jira, dibna loogu aaso, iyo si loo raadiyo cadaaladana loo hor keeno madaxdii iyo ashkhaastii dhagartan geysatay

..Waxay inoo maraysay iyada oo Odayaashii Milatariga ahaa ee Aabahay ku jiray Allah ha u naxariistee ay intay Tuutahoodii labisteen ay Xeryahoodii Milatariga tageen, ka dibna inta la uruuriyay  iyaga oo tiradoodu dhamayd 73 askari oo isku wada beel ah loo sheegay in Xamar loo bedalayo..

Dagaaladii ayaa sii xoogaystay waxaana si weyn looga qaxay magaaladii Hargeysa iyo magaalooyinkii kale ee dagaaladu ay ka socodeen, waxa uu reerkaygu qaxootinimo ku yimi  Degmada  Darroor oo ka mid ah dhulka Hawdka ah ee Xuduuda ka talawsan, waxa meeshaas aanu ku door bidnay  iyada oo ahayd deegaano ay awoowyaashay ka soo jeedeen,  isla markaasna Geelashayadu ay ku dhaqnaayeen. Intii aanu Aabahay Ciidamada Milatariga ku biirin xiligii Ingiriisku uu dalkeena ka talinayay waxa uu ahaa reer Hawd geel dhaqad ah  kaasoo awoowyadii ay iska soo dhaxli jireen.

Xero qaxootigan Darroor waxaa degenaa kumanaan qof , dhibaatooyinka dadka halkaas ku haystay waxaa ugu darnaa xanuunada Kaneecada iyo Jooniska oo dad badani u le,anayeen, dhibaatooyinka kale ee dadkaas haystay waxaa ka mid ah isgaadhsiin la’aan, iyo hoy la’aan haystay dad badan oo aan hore u heli jirin teendhooyinkii dadka guryaha u ahaa, waxaana iska soo daba dhacayay qaxooti tiro badan oo ka kala imanayay magaalooyinkii ay dagaaladu ka socdeen. Dhinaca kale waxaa bilaabmay ganacsiyo yaryar iyo waliba isu socod ay dadku u kala socon jireen Muqdisho iyo Itoobiya iyada oo la mari jiray Dhagaxbuur halkaasna laga gali jiray Muqdisho, waxaana jidkaas mari iray dad ganacsato ah iyo qaar Xamar ka soo baxaya ama qaar ku sii socda si ay u raajiciyaan inay ka sii dhoofaan, waxaa kale oo jiray dad qaxootiga joogay oo eheladoodu Muqdisho joogeen oo u tagi jiray.

Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa isa soo tarayay wararka sheegayay in Odayaashii Milatariga ahaa ee Aabahay ka midka ahaa ay Muqdisho ku xidhan yihiin, kolba dad Xamar ka yimaada ayaa markay Darroor yimaadaan odhan jiray Milatari badan oo Hargeisa laga qaaday ayaa Muqdisho ku xidhan. Run ahaana way jireen boqolaal Milatari ah oo Hargeysa laga qabqabtay in Muqdisho la geeyay, nasiib wanaag kuwan muqdisho la geeyay waxay ahaayeen qaar la qabtay markii uu dagaalku muddo socday, hase yeeshee kooxda Askarta ah ee uu Aabahay ku jiray Allah ha u naxariistee waxaa iyaga la qabqabtay markii uu dagaalku bilaabmay.  Warkan sheegaya inay Muqdisho ku xidhan yihiina si weyn ayuu isu soo tarayay maalinba ta ka danbaysa.

Iyada oo xaalku halkaas marayo dagaaladiina sii balaadheen ayaan magaalada Jigjiga u raacay nin aanu qaraabo ahayn oo magaciisa la odhan jiray Cumar Ruquf oo imika dalka Kenya ku sugan, Cumar waxa uu ahaa nin ganacsade ah waxaana uu isaga gooshi jiray inta u dhaxaysa Darroor iyo Jigjiga oo uu ka ganacsan jiray, waxaana uu maqaaxi cuntada lagu cuno ku lahaa magaalada Darroor. Goor fiidadow ah ayaanu soo galnay maglaadii Jigjiga waxaana aanu ku degnay Bakhaar uu lahaa nin reer Jigjiga ah oo magaciisa la odhan Sheekh Xasan, halkaasoo aan isku baranay nin magaciisa la odhan jiray Macalin Axmed oo isaguna ahaa nin reer Jigjiga ah kana soo jeeday dadka deegaankaas deggan oo ganacsade ahaa.

Jawiga guud ee magaalada Jigjiga waxa uu ahaa mid ceeryoon ah, meel kasta waxaa lagu kala iibsanayay alaabo iyo qalab tiro badan oo intooda badan  laga soo bililiqaystay Magaalada Hargeysa, suuqyada Jigjiga waxaa goglanaa nooc kasta oo alaab ah, sida dharka, qalabka guryaha, qalabka qurxinta iyo xataa buugaag iyo Kutub quraan ah oo misaajidadii Hargeysa laga soo gurtay, baabuurta xamuulka bililiqada ah sida ayaa meel kasta taagnaa, waxaana si xawli ah suuqa loogu kala badalanayay lacagaha Shilinka Soomaaliga  iyo Birta Xabashida. Waxaanad arkaysay Itoobiyaanka iyo Somalida bililiqada ka shaqaysanayay ee is daba taxnaa ilaa tuulada Aw Barre ee dhinaca xuduuda galabeed ee Somaliland.

Dhinaca kale waxaa Jigjiga ku sugnaa dad badan oo ahaa dadkii ka soo qaxay Magaalooyinkii Burco iyo Hargeysa iyo goobihii kale ee dagaaladu ka socdeen, waxaanay ahaayeen qaar madluunsan oo murugo iyo calool xumo ay ka muuqatay, waxay dadkaasi caloolyow iyo cadho ku hayay inay Jigjiga ku dhex arkaan alaabadii laga soo bililiqaystay magaalooyinkooda oo si caadi ah loo kala iibsanayo, dadkaasi qaarkood waxay jigjiga u yimaadeen si ay dadkoodii qurbaha joogay ula xidhiidhaan, dalka Itoobiya laftiisa waxaa xiligaas ka socday dagaalo sokeeye oo u dhexeeyay dawladii Mingiste iyo Jabhadihii Tigrayga iyo Ereterida, waxaana ay raad ku lahayd guud ahaan xaalada Itoobiya, taasoo sababi jirtay raaf joogto ah oo dadka lagu qabqabto laguna qasbo inay noqdaan askar jabhadihii mucaaridka ahaa  la dagaalanta.

Muddo ayaamo ah markaan Jigjiga joogay waxaan Bakhaarkii sheekh Xasan kula kulmay Macalin Axmed oo aanu aad u sii wada sheekaysanay, waxa uu ahaa nin wadaad ah oo Allah uu naxariis u dhaliyay, waxaana uu ahaa nin ganacsade oo ka dhex shaqaysan jiray inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Jigjiga, waxa uu baabuur Sinjibiisha qaada u rari jiray Muqdisho, waxaana uu ka soo qaadan jiray Muqdisho alaab kala duwan, waxaan si qoto dheer uga warramay in Aabahay Allah ha u naxariistee lagu sheegay inuu Muqdisho ku xidhan yahay, waxaana aan dareensiiyay in ay iga go’an tahay inaan hubiyo Geeri iyo Nolol ka uu  Aabahay ku sugan yahay……..  Isaga oo aad uga naxay hadalkayga murugana ay ka muuqato wajigiisa ayuu si hoose  u yidhi………….

La Soco……..
Ambassador Kaysar Cabdilaahi
Bristol. UK
kaysar@diplomats.com