Lacag xawaaladdii Qaran u taalay Maxkamadda Gobolka hargeysa oo la Lunsaday iyo qof u xidhan

 

Hargeysa(SLpost) Xawaaladdii Qaran ee albaabada loo laabay ayaa sahayatay qaar ka mid ah garsorayaashii Maxkamadda Gobolka Hargeysa ee dhawaan la eryey, kadib markii guddida Cadaaladda Somaliland ku heshay in la Lunsaday lacag shirkadaasi lahayd oo laga ururiyey guriga Fooqa ah ee xarunta u ahaan jiray, kaasoo kiradiisa ay Maxkamadda Gobolku u ururin jirtay saamilaydii ku khasaartay.

Ilo wareed muhiim ah ayaa Farriinnews.com u sheegay in Qasnada Maxkamadda Gobolka Hargeysa laga waayey lacag lagu qadaray konton kun oo Doolar oo ahayd lacag kiro ahayd oo muddo laba sano ah laga ururiyey Fooqa Shirkaddii Xawaaladda ee qaran ee la xidhay, taasoo dacwad ay qaar ka mid ah saamilayda shirkadaasi ka furteen Maxkamadaasi, kadib markii muran ka dhashay sababtii ay u musalaftay.

Warar hoose ayaa sheegaya in Lacagtaas oo uu gacanta ku hayey mid ka mid ah shaqaala hoosaadka Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex la waayey, taasoo sababtay in Guddoomiyihii hore ee maxkamadaas ee la eryey Feysal Dhaga Dhago lagu eedeeyey in uu dayacay maadaama uu isagu masuul ka ahaa Maxkamadda.

Guddida Cadaaladda ayaa la sheegay inay Guddoomiyihii Maxkamaddaasi amartay in uu keeno lacagtaas ama xidho qofkii gacanta ku hayey lacagtaasi, waxaanay arrintaasi sida la sheegay soo dadajisay in uu xidho shaqaalihii gacanta ku hayey isla markaana isagii uu xilka ku waayey.

Sidoo kale, Garsoorayaashii Maxkamadaha ee la eryey ayaa la sheegayaa in lagu eryey dhacdooyin noocan la mid ah iyo kuwo kale oo ay Guddida Cadaaladdu cagta saartay kadib markii ay cabashooyin farabadani ka soo gaadheen dadweynihii ay dacwadaha u hayeen, kuwaasoo hor dhigay arrimo badan oo keenay in shaqada lagaga eryo garsoorayaashii lagu helay.