LABO DOORASHO WADA GALI KARIMAYNEE TA WAKIILADA DIB HA LOO DHIGO

Labo Doorasho Wada Gali Karimaynee Ta Wakiilada Dib Ha Loo Dhigo Tan Madaxtooyada Ha La Soo Horaysiiyo Dalkii Iyo Dadkiiba Ma Noolee
Doorasho madaxweyne oo sax ah waa in la galo mid ka duwan tan ay Kulmiye wadaan oo loo simayahay mid aan lahayn duubcas iyo askar mid ka caagan lacagta dowlada oo loo isticmaalo kaambayn siyaasadeed mid aan loogu kala hiilinayn gobolada qaarna la leeyahay abaar kasta oo haysa loo joojin maayo xaga kuwa kale oo aanay baaari haynba loo joojinayoMuwaadin itaalka qarankan yar ee laysku kabkabayo maaha mid gaadhsiisan in labo doorasho oo waaweyn oo mid walba culayskeeda lehe wada qaadi kara heerki weli maynu gaadhin eebe si wuu ina gaadhsiin karaa hadii lala yimaado daacad iyo dedaal iyo hufnaan haseyeeshe yaan intaa la sugin inta uu xilka hayo Kulmiye ma dhacayso oo waa riyo in doorasho xor oo xalaal ah la helo inta ay maafiyada Kulmiye majaraha u hayo tusaalena inagu filan doorashadii deegaanka ee dhiiga badani ku daatay mee Xaqsoor maye inamadii dharaarta cad xabada uu u quudhay
Kulmiye isxanbaarkii sharci daroorada ahaa ee shanta xildhaaan kaga soo baxeen Berbera waa mid la wada ogaa ka dar oo dibi dhal doorkana waxaa la leeyahay doorasho madaxweyne iyo tu xildhibaano ayaa loo dirayaa ninkii maqasha raaci kari waayay ayaa geelaha loo dirayaa waa yaabka yaabkii

Somaliland ma qaadi karto labo doorasho oo uu garsoor ka yahay kii Xaqsoor gawracay

mana u dhacayso si cadaalad ah oo siman sidaa darteed ha la kala qaado dooroshooyinka

Daahir Sancaani <dsancaani88@gmail.com