“Labadaas nin (Xaabsade iyo Cali Khaliif )waa niman reer Somaliland ah oo Somaliland wax ka dhisay..” Warancade

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa ku tilmaamay Cali Khaliif iy Xaabsade siyaasiyiin aan fogayn oo reer Somaliland ah, waxaanu luuqad diblamaasiyadeed ku sheegay waxay tabanayaan in Somaliland ay ka xaalmarin doonto.

Hadalkan ayaa wasiirka ka soo baxay iyada oo dhawaan ay shir qodobo lagu heshiiyay ay ka soo baxeen ay la qaateen qaar ka mid ah beesha Dhulbahante, iyada oo warbaahintu ay baahisay in Cali Khaliif ay wada hadalo la soo galayaan inkasta oo wararkaasi ay markii danbe beenoobeen, waxaana Warancade isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Labadaas nin (Xaabsade iyo Cali Khaliif )waa niman reer Somaliland ah oo Somaliland wax ka dhisay, Cali Khaliif markii Boorama lagu samaynaayay Somalialnd ragii ka qaybgalay ayuu ahaa ee dhibadibada u taagay, Xaabsadena mudo dheer ayuu dalka u shaqaynayay oo wax badan ka qabtay hadii uu wax yara tawdeen Somaliland waxay diyaar u tahay waxay tabanayaan in laga dawmariyo oo lala eego in waxii ay tabanayaan miiska ay ku sheegtaan,waxaanu rajaynaynaa in aanay naga fogaan waayo meel kale oo qaadaysaa ma jirto oo Somaliland ayay u dhasheen.”