Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Cod Ku Diiday Sii Haynta Xilka Ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Hargeysa, (SLP)- Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta si wada-jir ah uyeesheen golaha baarlamaanka Somaliland ee wakiillada iyo guurtida ayay cod aqlabiyad ku diideen inuu xilka sii hayo, kuna ogaalaadeen xilka-qaadistii uu dhawaan madaxweynuhu ku sameeyay guddoomiyaha maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali.

Fadhigan oo ku qabsoomay xarunta golaha guurtida, isla markaana uu shir guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha guurtida Siciid Jaamac Cali.Labada gole

Shirguddoonka labada gole ayaa cod geliyay xil-qaadista guddoomiyaha maxkamadda sare Yuusuf  Ismaaciil Cali, isagoo hadlaya Siciid Jaamac Cali codkii xildhibaannada waxa uu yidhi.“Waxa ogolaaday in guddoomiyaha maxkamadda sare xilka laga qaado 80 xildhibaan, waxa diiday 32 xubnood, waxa ka aamusay 15 xildhibaan, guddoomiyuhuna muu codayn kooramka goluhuna wuxuu ahaa 128 xildhibaan, sidaas ayaanay ku ansaxday xilka qaadistii guddoomiyaha maxkamadda sare.”

Xilka qaadista guddoomiyaha maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali ayuu madaxweynaha Somaliland u cuskaday isbedel lagu samaynayo garsoorka dalka iyo guddida cadaaladda oo la shaqeyn kari wayday guddoomiyaha, waxaana guddoomiyaha xilka laga qaaday bishan aynu ku jirno ee April 19-keedii.

Somalilandpost.net