Labaatan Qof Oo Ku Geeriyooday Barafka Ka Dhacaya Maraykanka

US(SLpost)-Gobollo ku yaalla dhinaca bari ee dalkan Maraykanka waxaa ka da’aya baraf xooggan, Magaalada New York ayaa Iyana gebi ahaan la xidhay, iyada oo dadkana lagu amray inay guryahooda ku ekaadaan.

Illaa labaatan qof dad gaadhaya ayaa u dhintay barafkan xooggan ee da’aya, waxana uu saamayn ku yeeshay illaa 85 Milyan oo qof, waxaana koronto la’aan ku sugan boqollaal kun oo kale.