Laba Xildhibaan oo Guurtida ah oo ka Hadlay Xadhiga Salaadiinta iyo Haamaha

Obsiiye Dheeg

Hargeysa(SLpost)- Xildhibaan Maxamed Axmed Obsiiye “Gacan” iyo Xildibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin Dheeg oo ka Tirsan golaha guurtida JSL. oo maanta shir jaraa’id ku qabtay golahooda ayaa ka dayriyey si walaac lehna uga hadlay xadhiga salaadiinta iyo arrinta wareejinta haamaha keydka shidaalka.

Xildhibaan Gacan ayaa waxa uu yidhi “ Haamahaa waxa aannu leenahay waa xaaraan wareejintoodu. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ninka adhiga lagaga quustay baa geela loo diraa, waar shalayto kuwii haystay ayeynu ka cabaadaynee marka qaar aan fahansanaynba loo dhiibo maxay soo baxaysaa? Haamahaa cidda wareejisa ma ogolin ayidina mayno, shacabkana waxaanu leenahay idinka uun bay dhibaatadu idin qabsanaysaaye ka taxadira”

Xildhibaan Dheeg ayaa isaguna waxa uu sheegay in dadku biri-mageydo leeyahay, Madax dhaqameedkuna ay leeyihiin xasaanad oo aan loo xidhi Karin laba arimood oo keliya mooyee; in uu Somaliland diid noqdo iyo in uu fal dambiyeed dhiig ah faraha kula jiro ama caawinayo.

Isaga oo arinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Labada suldaanba gardaro ayaa lagu xidhay, ra’yigooda waxa ay afkaa ka sheegeen oo kaliya ayaa lagu xidhay. Suldaan afkiisa waxa uu ka yidhaahdo lagu xidho afweynaa noogu dambeeyay”

Mar uu Dheeg ka hadlayey haamaha kaydka shidaalka waxa uu yidhi “ Haamaha dawladdaa gacanta ku haysa, dhulkii oo dhana iyadaa gacanta ku haysa. Adigu gacanta ku hay uun baa la leeyahay e waxan ay kala doonayso cid gaar ah waa maxay?”

“Markaan eegay waxa aan is idhi waxa la doonayaa sanadkan iyo googo’an u hadhay dawladda in ay dhawr boqol oo kun oo qof taajirsiiso, oo gaar gaar ah oo ay iyadu si gaar ah dano gaar ah u leedahay” ayuu yidhi xildhibaan Dheeg.