Laba Wariye oo maalintii Labaad Wasiirka Arrimaha gudaha u xidhan oo loo diiday in la booqdo

Hargeysa, 21 February, 2012 (SLpost)- Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan Wargeyska Ogaal iyo Maxamed Cabdi Xasan (Boosh) oo maalintii labaad ku xidhan Xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta loo  jaray xadhig rumaan toddoba maalmood ah.

Suxufiyiintan oo Isniintii shalay xabsiga loo taxaabay, ka dib markii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ciidamada ammaanka amar ku siiyay inay qabtaan iyada oo aan wax waaran ah oo maxkamadeed loo soo jarin.  Isla markaana waxa maanta loo gudbiyay Maxkamadda, taasoo banaysay inay ku xidhnaadaan rumaan toddoba maalmood ah, waxaanay masuuliyiintu amreen inaan haba-yaraatee la arki karin Weriyeyaashan.

Suxufiga Xasan Cumar Xasan waxa uu u xidhan yahay ka dib markii uu Wargeyska Ogaal baahiyey Isniintii war uu  ka soo xigtay Shabakadda Ramaasnews, warkaasoo la xidhiidhay xeebaha galbeedka Somaliland oo beryahaaba la sheegayay in laga cabsi-qabay inay ka soo degaan kooxo Jabhadda ONLF ee dawladda Itoobiya dagaalka kula jira, ka soo degeen Xeebta Buulla-caddo. Hase-yeeshee, maadaama oo uu xidhanyahay masuulkii shabakadda warka laga soo xigtay, waxa loo arkaa in Mr. Xasan Cumar uu xadhigiisu sharci-darro yahay.

Marka laga yimaaddo xadhiga labadan weriye, waxa intii ay Xukuumadda Siilaanyo jirtay xabsiga loo taxaabay weriyeyaal tiro badan oo xadhigoodana aan wax sharci ah loo adeegsan, iyada oo ay ugu dambaysay tallaabo 15-kii January 2012 ay dawladdu hal mar xabsiga dhigtay 22 wariye, kuwaasoo amarka xadhigooda uu bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur).

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net