Laba qarax oo Si isdaba jooga ah Maanta loola beegsadey makhaayad ku taal xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho (SLpost)– Laba qarax oo  waaweyn ayaa ka dhacay maqaayad ku taal xeebta Liido oo lagu magacaabo Indian Ocean iyadoona qaraxyadaasi ay sababeen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.qarax11

Qaraxyadani ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay afaafka hore ee maqaayadda halka gaadiidka la dhigto iyo weliba ruux naftii hure ah oo isku qarxiyay gudaha maqaayadda.

Ilaa hadda inta la ogyahay waxaa ku dhintay hal ruux oo qofkii isqarxiyay ah, iyadoona ay dhaawacyo kasoo gaareen ku dhawaad  ilaa todobo qof oo dadkii maqaayadda ku sugnaa ah, kuwaasoo la sheegay in qaar ka mid ah ay dhaawacyadooda halis yihiin.

Taliyaha waaxda danbi baarista ahna afhayeenka ciidamada Booliska Gen. C/laahi Xasan Bariise oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in qaraxu sababay dhaawaca todobo ruux, isagoona intaa ku daray in ruuxa is qarxiyay uu mudo ku sugnaa gudaha maqaayadda islamarkaasina uu dhex meereysanayay, wuxuuna ku eedeeyay shaqaalaha maqaayadda in markii ay shakiyeen ruuxaasi ay ahayd in ay ku wargeliyaan xarunta ugu dhow ee Booliska.

Goobjooge ku sugnaa xeebta liido xilligii ay qaraxyada dhacayeen ayaa Halbeegnews u sheegay in labada qarax ay waxyar kala danbeeyeen, wuxuuna xusay in uu arkayay uuro iyo olol ka baxaya gudaha maqaayadda.

Maalinta Jimcaha ayaa ah maalinta ugu mashquulka badan xeebta Liido, waxaana dadka u damaashaad taga xeebta ay aalaaba fariistaan maqaayadda Indian Ocean oo ah maqaayadda xeebta saaran.

Waa markii labaad oo qarax lala eegto maqaayad ku taal xeebta Liido, iyadoona bartamihii bishii tagtay, qarax kan lamid ah oo loo adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga buuxiyay uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca mid kale, iyadoona sidoo kale ay ku burbureen gaadiid aad u badan.

Dhanka kalena  raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa qaraxaasi ku eedeeyay kooxaha Argagixisada ah “Argagixisadu waxay caadaysatay inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, waxayna hadda u muuqdaan inay yihiin naf lacaari marba hadii dagaalkoodii ku soo ururay inay dhalinyaro la marin habaabiyey qaraxyo ku soo rakibaan, waxaan u sheegayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in laga midoobo la dagaalanka Argagaxisad” ayuu yidhi.