LABA NIMCO OO AY DADKU MOOGAN YIHIIN

 

 

Sida aynu lawada socono caafimaadku waa nolosha aadamaha, hadii caafimaad lawaayana wax nolol ah oo suurta gal noqonaysaa majirto qof kasta oo aduunka guudkiisa ku noolina waxaa uu raadinayaa ama uu hadalkiisa u badiyaa waa caafimaadka.

Dhinaca kale caafimaad la,aantiis wax aad  qabsan karaysaa majirto nimcada iyo badhaadhaha uu leeyahay caafimaadkuna waxaa garanaaya waa ruuxa aan haynin ee jiifa goobaha ama xarumaha caafimaadka amaba bukaan socodka ah ee la tiihaaya caafimaad xumada.

Si kastaba ha ahaatee dadka aan caafimaadka haynini waxay tamaniyayaan ama quudaraynayaan kuwa caafimaadka qaba iyagoon is dhahaaya hadaad caafimaad haysan lahayd waxaasaad qabsan lahayd oo ay kow ka tahay cibaadada rabigeen ee muqadaska ah ama waajibka ah.

Sidaa awgeed walaal waxaa lagaa rabaa oo waajib kugu ah inaad caafimaadka ka faa,iidaysato oo aad garato muhiimada uu leeyahay adogoo ku cibra qaadanaaya kuwa aan caafimaad haynin ee jeefa xarumaha caafimaadka  hadaad maalmaha qaar soo martana waxbaadnku qaadanaysaa oo waxaad iimaan sanaysaa caafimaadka ilahay kugu deeqay.

Qodob labaad oo isna muhiim ah ayaa jira kaasi oo ah waxa loo yaqaano firaaqa  kaasi oo aynu inta badan mooganahay kaasina waxaa uu u baahan yahay inaan ka faa,iidaysano waayo wakhtiga qiimihisa waxa yaqaana waa qofka aan haynin sida kuwa xanuunka lajiifa, kuwa jeelasha ku jira, kuwa gaboobay  iyo kuwa shaqooyinka ku mashquulsan.

Sidaa awgeed  ayaa waxaa Nabigu yidhi NAXARIIS IYO NABAD GALYO KORKIISA HA AHAATEE ( laba nimco oo ay dadku moogan yihiin waa caafimaadka iyo firaaqa).

Hadaba guntii iyo gaba gabadii waxaa loo baahan yahay inaynu ka faa,iidaysano labadaasi nimco oo runtii ah kuwo maanta dad badani aanay haynin ilahayna aynu ugu mahad naqno.

LABA NIMCO OO AY DADKU MOOGAN YIHIIN!!!!!!

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED  (ABU CIZA).

EAMAIL: jamaalsuxufi@hotmail.com