Laba ka mid ah Urur-siyaasadeedyadii dhawaan lagu dhawaaqay oo isu-bahaystay ka-qaybgalka doorashada Deegaanka

Hargeysa, (SLpost)- Laba ka mid ah urur-siyaasadeedyada dhawaan dalka lagaga dhawaaqay ayaa si rasmi ah isugu bahaystay inay cududdooda ku mideeyaan sidii ay ugaga qayb gali lahaayeen Doorashada golayaasha deegaanka Somaliland oo la filayo inay bisha April ee sannadka 2012 dalka ka qabsoonto.

Munaasibad loo sameeyey midowga labada Urur ayaa lagaga dhawaaqay in maanta laga bilaabo ururrada RAYS iyo WADAJIR ay u midoobeen midaynta cududda taageerayaashooda, isla markaana  ay jiraan urur-siyaasayeedyo kale oo wadahalo u socdaan si ay cududooda isugu biirin lahaayeen.

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Rays Mr. Xasan Maxamed Cali oo halkaas ka hadlay, ayaa ku wargeliyey dadweynaha reer Somaliland iyo taageerayaashoodaba in labada urur ee Rays iyo Wadajir si rasmi ah u midoobeen.

“Waxaannu rabnaa in aanu dadweynaha reer Somaliland gaadhsiino in labada urur ee Rays iyo Wadajir ay midoobeen si ay u xoojiyaan awoodooda ay kaga qaybqaadanayaan doorashadda golayaasha deegaanka, waxaanan taageerayaasha ka dalbanaynaa inay sidaa u ogaadaan oo taageeradooda mideeyaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Rays, isaga oo halkaa ka sheegay inay garabka haweenka ee dalka Canada u magacaabeen Layla Maxamed Nuur.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Guddoomiye-ku-xigeenka urur-siyaasadeedka Wadajir Mr. Saleebaan Axmed Guuleed oo sheegay in guddoomiyihii ururkooda Mr. Aadan Cilmi Dhoolayare uu xilligan dalka dibadda kaga maqan yahay, dhawaana soo laaban doono, isaga oo xusay in labada urur muddo ka shaqaynayeen sidii ay u midoobi lahaayeen.

“Munaasibadani waxay ahayd in la mideeyo labada urur ee Rays iyo Wadajir oo in muddo ahba soo socotay, laakiin hadda ayaa si rasmi ah loo caddeeyeey inay midoobeen, waxaana jira ururo kale oo wadahadalo noo socdaan oo la doonayo in la mideeyo, guushuna waxay ku timaad xoogga iyo taageeradda oo la isku daro oo la mideeyo,” ayuu yidhi; Guddoomiye-ku-xigeenka urur-siyaasadeedka Wadajir ee ay midoobeen ururka Rays.

Waxa kale oo iyaguna Raxma Maydal iyo Raxma Xiis Axmed oo ka kala socday garabada haweenka labada urur ee midoobay ee Rays iyo Wadajir, kuwaasi oo sheegay inay ku faraxsan yihiin, isla markaana soo dhawaynayaan midawga labada urur-siyaasadeed ee Rays iyo Wadajir.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net