Laascaanood: Wararkii u dambeeyey Meydka Saddex-jir si Axmaqnimo ah loo dilay, Maamul Sool iyo Waalidiin ka hadlay

Laascaanood (SLpost)- Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Subaxnimadii Saaka ka helay Meydka ilmo yar oo saddex sano jir ah, ka dib markii xalayto Qoyskoodu waayey; sida uu sheegay Aabbahad dhalay ilmaha dhalay.

Ilmahan yar ee Meydkeeda la helay oo ah Gabadh, ayaa la sheegay in laga soo qaaday meel aan ka fogeyn Guriga Qoyska ay ka soo jeeddo, waxaana Aabbaha dhalay oo lagu magacaabo Yaxye Muudey Hiiraan Online u sheegay in fiidkii uu u doonay Dawo Gabadha Hooyadeed oo Umul ahayd markii uu soo noqdayna loo sheegay in la la’yahay Gabadha.

ilmoyar “Habeenkii illaa saakay waan Baafinayney, waxaana leyla soo hadlay 9: 30 saaka oo leygu wargeliyey in Gabadhii (Inantaydii yarayd) oo Meyd ah la helay, markii aan tegay goobta waxaan arkay Gabadhii oo qabta dhaawacyo badan oo jidhkeeda ku yaalla.” Sidaa ayuu yidhi Yaxye, waxaanu intaas raaciyay in aanay garaneynin illaa iyo hadda cidfa dishay Inantiisa iyo sababta loo dilay Sabigaa yar toona, sida uu u sheegay Hiiraan online oo aannu Warkan ka soo xigannay.

Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Sool Maxamuud Axmed Maxamed, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegay in Gabadha la qashay, waxaanu sheegay in Gabadha yar la diley, hasse ahaatee baadhitaan lagu hayo sababta dilkaasi ka danbaysey ama keentay, waxaanu yidhi; “Ciidammada Booliiska iyo Dhakhaatiirta ayaan u daba-fadhinaa in ay caddeeyaan sababta kiiskan keentay, waana sugaynaa inta ay soo caddaynayaan.”

sawirDhacdadan naxdinta leh, ayaa Boqollaal ka tirsan Dadweynaha magaalada Laascaanood markii ay maqleen isugu soo urureen goobtii Meydka laga helay iyo Guriga Qoyska Inantaa yare e la dilay dhalay, iyaga oo ay badi fajac iyo amakaag ku noqotay dilkan lagula kacay ilmaha yare e saddexda sano jirtay, oo ay Dad badani muujiyeen Cabsi ay ka qabaan in falkan oo inta badan noociisu ku cusub yahay Bulshada deegaankaas uu sii fidi karo ama Carruurtoodaba ay u baqayaan oo uu saamayn karo dhaqankan axmaqnimada leh ee Gabadha yar ee Sabiga ama Siqiirka ah lagula kacay.