Laanta Socdaalka Somaliland oo gacanta ku dhigtay Tahriibayaal Itoobiyaan ah iyo Gadiidkii lagu siday oo lala wareegayo

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa gacanta ku dhigay tahriibayaal u dhashay dalka Itoobiya oo sifo-sharci-darro ku soo galay dalka iyo gaadiidkii siday, kuwaas oo maanta lagu soo bandhigay xarunta Laanta Socdaalka ee Somaliland.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Laanta Socdaalka Maxamed Xasan Sablaale oo warbaahinta qaarkeed u soo bandhigay dadka Itoobiyaanka ah ee sharci-darrada ku soo galay dalka, ayaa sheegay inay gebi ahaan la wareegi doonaan gaadiidkii ka qayb-qaatay socdaalka sharci-darrada ah ee Tabriibayaal isla markaana ay dadka ay qab-qabteen dib ugu celin doonaan waddankooda.

ethipianTahriibayaal u dhashay dalka Itoobiya, ayaa intooda badan u soo dhexmara Somaliland ay ugu tallaabaan magaalo-xeebeedda Boosaaso ee Maamul-goboleedka Puntland iyo sidoo kale xeebaha dalka Jabuuti oo ay si qarsoodi ah ugu gudbaan, halkaas oo ay ka raacaan doonyo kaga tallaabaan Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, iyaga oo qaxoontinimo ku gala waddamada Jaziiradda Carabta.

HALKAN HOOSE KA DAAWO