Laanta Socdaalka oo Qabatey Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo Isugu jirey Rag iyo Dumar u dhashey Qowmiyadda Amxaarada

Gabiley (SLpost)-Laanta Socdaalka Somaliland ayaa, mar kale dib ugu celiyay labaataneeyo tahriibayaal Itoobiyaan ah, oo laga soo qabtey Duleedka Magaalada Hargeysa, kuwaas oo u dhashey Qowmiyada Axmaarada ee dalka Itoobiya oo dhuumasho kaga soo gudbey dhinaca Magaalada Harta-Sheekh ee kililka shanaad ee Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Tahriibayaashan Laanta Socdaalka Somaliland ee Xarunta Tog-Wajaale maanta galinkii dambe dib ugu celisey dalka Itoobiya,  oo ka duwanaa tahriibayaashii inta badan laga celin jirey Somaliland oo u badnaa Qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya ayaa iyagu ahaa, Kuwa kasoo jeeda Qowmiyada Axmaarada oo aan iyagu ku badneyn tahriibayaasha dhuumashada kaga gudba Somaliland, iyagoo usii jeeda Maamul Goboleedka Puntland oo ay Magaalada Boosaaso ka raacaan Doonyaha Tahriibta.
Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley C/rashiid Axmed Xasan, oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews ugu waramey Magaalada Gabiley, isagoo tahriibayaashan usii wada dhinaca Dalka Itoobiya oo ay dib ugu celinayeen ayaa sheegay, in Tahriibayaashan laga soo qabtey iyagoo dhuumasho kusii galaya Caasimada Somaliland ee Hargeysa,waxaanu xusey Taliyihu in laga soo qabtey Maqaaxida Inanta, oo oo tobaneeyo KM dhinaca Galbeed ka xigta Magaalada Hargeysa.
“Hada ayaanu gudbineynaa tahriibayaashan oo kasoo Wareegay dhinaca Magaalada Harta-Sheekh waxaana soo qabtey Ciidanka Waaxda Socdaalka Xarunta Somaliland ee Hargeysa tahriibayaashanina wey ku duwan yihiin kuwii hore oo u badnaa Qowmiyada Oromada inkastoo oo ay wada Itoobiyaan yihiin hadana Waa Qowmiyada Axmaarada ayay kasoo jeedaan kooxdani, dib ayaanu celineynaa, koley Shabakada Hadhawnaagnews wada shaqeyn fiicanbaa naga dhexeysa, waxaanan kuu sheegayaa in Maxakamada Gobolka Saaka la horkeenayo Baabuurkii sidey xukun adag ayaa ku waajibaya maadaama aanu in badan Warbaahinta uga digney dirawaliinta tahriibta Dhuumashada kusoo galinaya Gudaha Dalka Somaliland khusuusan Hadhwanaagnews, Wargeysyada Geeska-Afrika iyo Ogaalba marar badan ayaanu digniinta u mariney imikana waanu ku celinaynaa”Ayuu yidhi C/rashiid Axmed Xasan Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley, ee Fadhigiisu yahey Tog-Wajaale.
Sadex maalmood ka hor ayey aheyd markii Tahriibayaal kontomeeyo ah oo u dhashey dalka Itoobiya di loogu celiyay dalkaasi, kuwaas oo iyaguna damacsanaa in ay dhuumasho kaga Gudbaan Somaliland iyagoo usii jeeda dhinaca Maamul Goboleedka Puntland, oo ay Magaalada Boosaaso ka raacaan doonyaha Tahriibta ah ee ay halkaasi bartilmaameedka u tahey, Waxaana maalmahan Dambe  siweyn loo dareemayaa dhaqdhaqaaqa culus iyo Howlagalada Laanta Socdaalka Somaliland ku baadi goobeyso joojinta tahriibayaasha sida qulqulka ah uga gudbaya Dhinaca Somaliland.

SLpost News/Hargeysa