Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley oo digniin u jeedisay Dadka Ajaanibka ee ku dhaqan magaalada Wajaale

TOG-WAJAALE (SLpost)- Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ee fadhigeedu yahay Degmada Tog-Wjaale Xuduudda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa amar adag kusoo rogtey dadka aan muwaadiniinta aheyn ee ku nool magaaladaas, kuwaas oo ay uga digtay qaadashada kaadhka Muwaadinka, isla markaana talaabo adag laga qaadi doono haddii lagu qabto goobaha Diiwaangalinta muwaadiniintu ka socoto.

taliyahaGobolka Gabiley, ayaa ka mid ah gobollada ay ka socoto diiwaangelinta Madaniga ah oo muwaadiniintu ku qaadanayaan Kaadhadhka Aqoonsi ee caddaynaya inay dalka u dhasheen.

Taliyaha Laanta Socdaalka ee Gobolka Gabiley Gaashaanle Cabdirashiid Xaaji Axmed Xasan oo ka war-bixiyey sida ay ula shaqeeyaan hawl-wadeennada ku jira diiwaangelinta Muwaadiniinta ee ka socota gobolka Gabiley iyo tallaabada ay ka qaadayaan dadka aan muwaadiniinta ahayn ee doonaya in ay ka qayb-qaataan Diiwaangalinta Madaniga ee ka Socota Magaala Tog-Wajaale, ayaa sheegay in ay si gaar ah ula socdaan isla markaana tallaabo adag ka qaadi doonaan dadka aan muwaadiniinta ah ee diiwaangelinta ka qayb-qaadanaya maadaama Degmada Tog-Wajaale ku taallo meel Xuduud ah.

“Diiwaangalintii muwaadiniinta Somaliland si wanaagsan ayay uga socotaa magaalada Wajaale laakiin Magaalada Wajaale waa Magaalo ganacsiyeed oo waxaa ku nool ama ka ganacsada dadyaw fara badan oo aan u dhalan Jamhuuriyadda Somaliland, sidaasi darteed waxaan uga digayaa ciddii aan u dhalan Somaliland ee isku dayda in ay qaadato jinsiyadda Somaliland in aanu tallaabo sharci ah ka qaadi-doono sharcigana la tiigsandoono. Sida uu dhigayo Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Qodobka afraad, waxaa qaadan kara oo kaliya qof kasta oo u dhashay Somaliland kana isiran dadkii deganaa dalka Somaliland 26kii juun 1960 iyo ka hor, ciddaasi uu dastuurkeenu caddeeyay ayuunbaana qaadan karta ee cid kale ma qaadan karto,” Sidaa waxa yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley oo maanta warbaahinta la hadlay.

Waxaanu intaa ku daray oo yidhi, “Waxaan u sheegayaa dadka ka ganacsada Magaalo ganacsiyeedkan Tog-Wajaale oo ah magaalo ganacsiyeedka ugu wayn bariga Africa. Sidaasi darteed waxaan leeyahay haddii laydiin ogolaaday in aad si xor ah uga ganacsataan dalkan Somaliland waa in aydaan isku dayin in aad qaadataan aqoonsiga Somaliland.”

Taliyaha waxa uu baaq u jeediyey Hawl-wadeennada ku gudo-jira Diiwaangelinta Muwaadiniinta, waxaanu yidhi, “Ciidan Socdaal ahaan kormeer joogto ah ayaanu ka galeynaa goobaha diwaangalintu ka socoto waxaana goob joog noogu ah xuuraan joogto ah, waxaanan usoo jeedinayaa kooxaha diiwaan-galinta wada iyo cuqaasha la joogtaba in ay ka taxadaraan in ay aqoonsiga Somaliland qaadato cid aan Somalilander ahayni.”

Diiwaangalinta Madaniga ah ayaa todobaaddadii u dambeeyey ka socotey Magaalada Tog-Wajaale, iyada oo laga dareemayo magaaladaasi dadka oo safaf dhaadhaadheer ugu jira Diiwaangalinta.

SOMALILANDPOST.NET