Laandheere!

Laandheere!, waa nin ab-tirsigiisu aad u badanyahay. Haa, se uma malaynayo in asagu uu doortay ka dhalashada qoyskan si u laandheere u noqdo?. Laandheere waa wiil ka dhashay qoys aad u ladan oo alleh ku manaystay xoolo badan. Talaw kaalin ma ku lahaa doorashada qoyska uu ka dhalan doono?. Laandheere waa nin la dhashay ragg badan. Oo ma cayimi karaa cidadka wiilasha la dhalanaysa?. Ma filayo in uu jiro qof doortay nolosha uu noolyahay, se waxa kali ah ee aynu dooran karnaa waa qaabka ama habka aynu u noolaanyno ama u noolnahayba….

Haddaba waxa la yaab ah in noloshan aynaan wax door ah ku lahayn imaatinkeeda, ama ka dhalashada qoysaskeeda kala duwan. In dhalashada aad ka dhalato qoys gaar ah ay ku noqoto noloshaada xayndaab aanad ka gudbi karin, sababta oo ah waxa aad ka dhalatay qoyska reer hebel. Oo ma aniga ayaa doortay in aan ka dhasho reer hebel?, maya se qadarka ayaa ahaa in aad ka dhalato. Haye markaa maxaa la igu diidanyahay, maxaa aad ku diidantahay in aan ahay qof kula siman oo xaq u leh in uu helo wax kasta o aad xaq u leedahay in aad hesho?, maya, ma awoodid in aad naftaada ila sinto, maxaa yeelay Alleh (SWTC) inama simin, adiga reer hebel ayaa aad ka dhalatay aniguna nin laandheere ah ayaa aan ahay oo reer hebel ka dhashay, mana sinaan karno!

Reer hebel ayaa aad ka dhalatay aniguna reer hebel ayaa aan ka dhashay ma aha qiil lagu kala wanaagsanaan karo, sida labada erey ee “ reer hebel iyo reer hebel” uga simanyihiin dhanka qoraalka ayaa ay dhanka kalena uga simanyihiin dhamaan reeraha kale magacyada.

Laandheere… aragtidayda gaarka ah waxa aan ugu yeedhi karaa qof cilmigiisa heer ku gaadhay, sida:- Einstein, Aristotle, Ibnu-Khalduun, qof kartidiisa ku gaadhay hir aynu badankeenu hiigsanayno, qof kaligiis heer ka gaadhay ganacsigiisa gaarka sida:- Bilgate, Dahabshiil, Indho-deero.

F.G:-Waxa aan aad uga soo horjeeda haybsooca lagu hayo walaalaheena innala dhashay ee innaga midka ah.

 

W/Q: Cabdiqani Iid Cilmi,

Email: Cab_dir@hotmail.com,

Goobta: Islamabad, Pakistan,