LA-YAAB: Nin Dhaawac ka soo Gaadhay SANKA oo lagu guulaystay in Wejahadda Hore ee Madaxiisa looga sameeyo Beddelka Xubinta Dhaawacantay

Fushou (SLpost)- Nin u dhashay dalka Shiinaha, ayaa wejahadda hore ee madaxiisa looga sameeyey Xubinta dareenka Urta [SANKA], ka dib markii caabuq ku dhacay ku dhacay Xubinta Asalka ahayd.

Ninkan oo lagu magacaabo Xiaolian oo ku nool gobolka Fujian ee dalkaasi Shiinaha, ayaa qalliin ay ku sameeyeen dhakhaatiirta cusbitaal ku yaala magaalada uu deggen yahay ee Fuzhou ku guulaystay inay ka beddelaan Meesha uu asal ahaan sankiisa hore ku yaalay, taas oo ku waxyeellowday xanuun sababay Caabuq meesha ka saaray dareenka Urta ee xubintaasi.

Caabuqa sababay in dareenka Urtu ka tago sankiisa, ayaa waxa sababay shil-baabur oo sannadii 2012 dhaawacyo ka soo gaadhsiiyey xubinta Sanka, laakiin uu awood u waayey inuu iska daawayn u leh dhaawacaas oo markii dambe ku abuuray Caabuq jar-jaray Carjawda xubinta Sanku ka samaysan tahay, isla maraana u saamixi weyday inay dhakhaatiirtu dib u hagaajiyaan.

mucjisoTani waxa ay dhakhaatiirta ku kalliftay inaanay u helin go’aan ay xalkiisa ku gaadhaan, marka laga reebo inay u sameeyaan San cusub oo beddel u noqda sankiisa dhaawacmay.

Waxa ay sanka Cusub ka sameeyeen iyaga oo Maqaarka wejahada hore ee madaxiisa ku daray Daawo kala-fidinaysa Maqaarka, taas oo laga sameeyey qaab u eg sida sanka oo kale oo lagu taageeray Carjaw laga soo dheegay Feedhihiisa, kaas oo lagu xidhiidhay Waayirrada dareennada Urta ee Maskaxda.

mucjiso 2Dhakhaatiirta fuliyey qalliinkani waxa ay sheegeen inuu horumar sameeyey Sanka cusub ee ninka loo sameeyey, wakhtiganna ay u diyaarinayaan inay ku sameeyaan qalliin ay ku samaynayaan sankiisii Hore si loogu beddelo Hindisaha Cusub ee ay Sanka cusub ugu sameeyeen.

SOMALILANDPOST.NET