La taliyihii Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda oo Xabsiga loo taxaabay

Abiib Diiriye
Abiib Diiriye

Hargeysa, (SLpost)- La taliyihii Arrimaha Siyaasadda ee madaxweynaha Somaliland Md. Abiib Diiriye (Timo-cad) ayaa saaka xabsiga loo taxaabay ka dib amar uu bixiyey wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland.
Xadhiga Mr. Abiib ayaa ka dambeeyey ka dib markii lagu tuhmay inuu ku lug lahaa  dilkii habeen hore saddexda qof loogu geystay deegaanka Seemaal ee degmada Baki.
In kasta aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay natiijada xadhiggiisii, hadana waxa wali socda baadhitaan ay ciidamada dambi-baadhistu ku wadaan arrinkiisa.

Soo qabashada xadhigga Abiib Diiriye ayaa noqonaya masuulkii ugu sarreeyey ee ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee loo qabto tuhun la xidhiidha ku lug lahaanshiyaha falkii arxan darrida ahaa ee habeen hore lagula kacay saddex qof oo rayid ah.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net