La-Taliyaha Madaxweynha Ee Dhaqaalaha, Ganacsiga Iyo Maal Gashiga Oo Tacsi U Diraya Xukuumadda Iyo Shacbiga Jabuuti

Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd
Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd

Waxaan tacsi u dirayaa xaaska, tafiirta, ehelka walaal iyo waalid iyo asxaabta marxuumka. Waxaan sidoo kale tacsida u dirayaa dhammaan xukuumadda iyo shacbiga Jabuuti iyo Soomalilandba. Waxaan marxuumka u rajeynayaa naxariis Alle iyo in rabigeen ka yeelo kuwa dhaxla janatul fardows. Ehel iyo asxaabna aynu u duceyno marxuumka, saamaxno oo aynu laasimno duco iyo samir.

Jaamac Maxamuud Xayd Alle ha u naxariistee wuxuu hormood ka ahaa kobcinta dhaqaale iyo horumarka guud ee dalka jabuuti, isagoo ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe muddo 15 sannadood ah isagoo intuu xilkaasi hayey ku guuleystay inuu soo jiito maalgashi shisheeye oo Carab iyo dunida kaleba leh, waxaana ka dhashay shaqo abuur iyo dhaqaale korodh dhaliyey deganaanshe siyaasadeed oo ku yar buqcadda ay Jabuuti ku taal. Alle waxaan u baryayaa inay Jabuuti ku socoto dhabaha horumarka iyo nabadda.

Waxaa lagu xusuustaa sida franka Jabuuti u noqday mid ka samoto baxa ciirciirka lacagaha dunida seddexaad. Waxaan marna  la iloobayn kaalinta libaax ee uu ka qaatay adkeynta iyo horumarinta xidhiidhka labada dale ee walaalaha ah Jabuuti iyo Soomaliland. Allow ugu naxariiso wanaagu falay iyo bulshada uu gacan qabtay ee ku nool, labada dal. Aamiin.

Inaa lilaa wa innaa ileyhi raajacuun.

Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynaha Soomaliland

Ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

Qasriga Madaxtooyada

Hargeysa

Somaliland

Tel: 00 2522 4096421

Eci.advisor@gmail.com