La taliyaha Madaxweynaha ee Doorashooyinka Oo ugu Baaqay Wasiirada Musharaxnimada Doonaya In ay Xilalka Iska Casillaan.

 

 

Baligubadle(SLpost) La taliyaha madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha doorashooyinka Maxamed Ibraahin Qabo, ayaa wasiirada u sharaxan madaxtinimada Kulmiye ugu baaqay inay iska casilaan xilalka ay qaranka u hayaan. Waxa uu sheegay in shuruudaha musharaxnimada ee xeerarka waddanku dhigayaan in qofka hanka madaxnimo lihi iska casilo xilka qaranka.

 

La Taliye Qabo, oo socdaal ku gaadhay magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd, ayaa shir jaraa’id oo isaga iyo xubno kale oo golaha dhexe ee Kulmiye ka tirsani ku qabteen Baligubadle waxay carrabka ku adkeeyeen in cidda golaha wasiirada ku jirta ee u tartamaysa musharaxa Kulmiye ay tahay inay bannayso xilka ay hayaan.

 

“Waa run oo musharaxiin faro badan baa jira. Waa xisbi dimuqraadiya, waa laga dhex tartami karaa, cid kastaana way iska soo sharixi kartaa laakiin cidii xil haysa ee doonaysa inay Musharax noqoto, sida ay sheegayaan xeerarka doorashadu waa in qofku iska casilo xilka uu hayo, haddii uu doonayo musharaxa Kulmiye. Waa la badan yahay, rag badan baa jira laakiin, intii golaha fulinta(Wasiirada) ka shaqaynaysa ee imika musharaxiin ka ah waxaa u qurux badan inay xilka halkan dhigtaan kadibna u ban baxaan inay is sharaxaan. Waxaanu rajaynaynaa inay guul ku dhammaan doonto inshaa Allah,” ayuu yidhi Mr Qabo.

 

Xubno kale oo ka tirsan golaha dhexe iyo duqa Baligubadle ayaa iyaguna halkaasi ka sheegay inay haboon tahay in cidda hunguri ka hayo musharaxnimada Kulmiye hadda iska casisho xilka ay hayso. Waxay sheegeen inay diyaar u yihiin shirweynaha golaha dhexe ee Kulmiye oo bisha 11-aad la rajaynayo inuu qabsoomo.