LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA AXMED CARWO OO HANBALYO IYO BOGAADIN U DIRAYAA XILDHIBAAN MAXAMUUD JAAMAC WARFAA

Axmed Carwo

CarwoWaxaan aad ugu farxay in kaalintii uu ka baxay Alle ha u naxariistee xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir ( Axmed Weyne), uu buuxiyo saaxiibkay XILDHIBAAN MAXAMUUD JAAMAC WARFAA. Kolka ruux geeriyoodo meesha uu ka baxo waa la buuxiyaa, waxay noqotaa meel qofka yimaada la yidhaahdo walee wuu ku habboon yahay iyo mid laga naxo oo loo arko qof aan u qalmin. Waa marag ma doon in Maxamuud Jaamac, aan ugu daro naaneesta aanan la jecleyn bal se ay in badani ku garan doonto Xildhibaan Wedka, inuu kaalintaas buuxin doono oo uu noqon doono intayadii Axmed Weyne ka dhintay nin ay ku qancan fikir, karti,mabda iyo degaan ahaanba.

Waa ruug caddaa muddo dheer siyaasi soo ahaa golaha sharcedejinta, maamulkii SNM, nabadeentii, Golaha Wasiirada, iyo kaalinta kowaad ee uu kaga jiray xisbiga KULMIYE ayaa u marag ah. Waa nin ay u dhantay aqoon siyaasi iyo waayo-aragnimo noloasha Soomaliland dhan walba.
Waxuu ku samray mabda’iisa. Marna, nolol kasta oo adag oo soo martay muu noqon  nin hoos u dhiga fikirkiisa xorta ah. Maanta waxuu helay midhihii samirkiisa. Waana mid daris u ah rag badan oo dabayshu kolba dhan u kaxayso, dhaawac weyna u geesta geedi socodka dimuquraadiyadda. Inaynu helno xukuumad iyo shacbi ku naalooda nidaamka dimuquraadiyadda xisbiyada badani waxay u baahantay rag iyo dumar ku adkeysta xisbinimada oo dhidibka u taaga dimuquraadiyadda.

Shacbigu waxay xaq u leeyihiin inay kala doortaan xisbiyada, ooy kolba key kheyr u arkaan doortaan, haddii se ay walaaq noqoto oon cidba loogu imanayn xisbiyada, ma garan karaan cidda ay doortaan.
Hanbalyo ayaan leeyahay saaxiibkey XILDHIBAAN MAXAMUUD JAAMAC WARFAA., halkaas ka wad oo hayso mabd’aad ku caano maashay, golaha kaga shaqee siyaasadii caddayd ee KULMIYE leynagu doortay ilaa haddana aad ahyd inta yare e dabo socoto. Maxamuud Jaamac waa Guddoomiye Xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Axamed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalah