La taliyaha Madaxweynaha ee Dadka La-hayb sooco oo xukuumadda uga mahadceliyey wax-qabadyo ay u samaysay dadka uu Wakiilka ka yahay

Hargeysa, 12 April, 2012 (SLpost) – La taliyaha madaxweynaha JSL ee arimaha Bulshada Barkhad Jaamac Xirsi ayaa maanta shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel xaraf ee magaalada Hargaysa kaga warbixiyey waxqabadka xukuumaddu u gaysatay Beelahaasi.

La taliyaha Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xukuumadda hadda jirta ay ka heleen wax badan oo aanay ka heli jirin xukuumadihii ka horeeyey, taasoo ay ugu waaweyn tahay buu yidhi iyadoo kor loo qaaday aqoonta aradada ka soo jeeda beelaha la hayb sooco isla markaana 23 arday oo beelahan ka soo jeeda ay wasaaradda Maaliyaddu ka bixiso Kharashka ama Fee-ga jaamacadaha ay dhigtaan.

La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshadu waxa uu tilmaamay in Beelaha la hayb soocaa ay Somaliland ku haystaan karaamo balaadhan oo aanay ka helin wadanka aynu deriska nahay ee Somalia.

Mudane barkhad Jaamac waxa uu sheegay in tiro kamid ah dhalinyarada beelaha la hayb sooco lagu shaqaysiiyey Dikreeto madaxweyne iyadoo laga duulayo ayuu yidhi qorshayaashii xisbiga Kulmiye ee xiligii Ololaha, waxaanu intaas ku daray in Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ay Xurmo balaadhan u hayso beeshan.

Mudane barkhad waxa uu sheegay in Xukuumadda jirtaa suuragelisay in ay beelaha la hayb soocaa qayb ku yeeshaan ka qayb galka siyaasadda.

La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bulshadu waxaa shir saxaafadeedkiisa ku weheliyey mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Gudoomiyaha Degmada gacan Libaax khadar cismaan Guuleed, Gudoomiyaha Akaademiyadda iyo nabadda iyo Horumarinta ee dadka la hayb sooco Xuseen Ibraahim Buuni iyo Afhayeenka beelaha Gabooye Kamaal Saalax xasan oo dhamaantood sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin waxqabadka xukuumadda eek u aaddan beelaha la hayb sooco.

SLpost News Desk

Hargeysa