La Talinta Toosan Ayaa Hogaamin Suubin Laga Dhaxlaa – W/Q: Fouad Abdisalam

fuadHogaanka suuban ee allah ka sakow umadi u doorato in u hogaamiyo waxaa saran uu  umadaas si samafal iyo cadaalad ah oo allah ku ogyahey u maamulo, Amaanadda ayaa allah subxana watacalaa u bandhigey in ay qaadaan samayooyinka, dhulalka iyo buuraha dhamanatooda wey diideen sida allah quraanka inoogu sheegey waxaana dhabarka u ritey oo masuuliyadaas qaatey Biniaadamka, taas oo ilaa maanta ay hayaan masuuliyaas.

Hogaanka suuban ee muslimka ah ayaa waxa tusaale iyo ku dayasho ugu filan nabi maxamed caleyhi salam iyo khulafadii ka danbeysey ee xukunka islaamka kala wareegtey kuwaas oo umadda islaamka ku hagey wadadii ay rasuulka ka dhaxleen, isbedelka badan ee ku dhacey habka maamulka ee wadamada islaamka ayaa laga dhaxley in marin habow balaadhin ku dhacey qaabka ay diinta islaamka fareyso umadda islaam ah in lagu hago oo lagu hogaamiyo, balse taas kuma dheeraaneyno waxaase aynu inyar dul istaageynaa doorka aadka u qiimaha badan ee ay ku leeyihiin la taliyayaasha hogaamiye in uu ku guuleysto xilka umada uu hayo umadana ku kala xukumo si cadaalad iyo sinaan ku jirto.

Waxaa taariikhdu xustaa in badana diinteena suuban inoo cadeysey hogaamiyaal badan oo guuleysta kuwaas oo ay ku hareereysnaayeen la taliyayaal ama gacan yarayaal hawlihiisa uga wakiil ahaa oo si wacan oo cadaalad iyo sinaan ah ku garab galey tuseyna wadada saxsan kana hor istaagey in uu leexdo oo uu khasaaro, kuwaasi waxey hogaamiyaha u yihiin indhihiisa iyo baalasha uu ku duulo iyagoo ka turjuma ama u taagan bulshada uu hogaamiyuhu madaxda u yahey, waxaa marag ma doon ah in hogaanka ay ka khaldamaan inta ku hareereysan ay maraan waddo khaldan oo burburisa umadahooda.

Waxaan tusaale fiican u soo qaadaneynaa Nabi MUSE caleyhi salam markii uu allah u soo direy reer bini israaiil oo uu markaa hor boodayey fircoon, ayaa allah waxaa uu ku lamaaneeyey isaguna codsadey walaalkii HARUN si uu dacwada ugu garab galo, muuse iyo haarun oo isku lamaan ayaa reer bini israaiil iyo qowmkii fircoon wajahey iyado dhinaca kale ay fircoon ku hareereysnaayeen qaar xun xun iyo faaliyayaal isagana la talin jirey amarkiisan fulin jirey kuwaas oo markii danbe la halaagsamey.

Wakhtigan aynu joogno marka qof madaxweyne ah ee la doorto waxaa laga sugaa in uu soo dhiso gole la shaqeeya oo isaga bulshada uga wakiil ah kuwaas oo mar walba ka turjumada hogaamiyaas shacabkana u dhaxeeya sidoo kale isaga la taliya oo u tilmaama kolba wixii jira iyo sida ay ku saxsan yihiin, wadamadda carbeed badankoodu waxey leeyihiin qoysas boqoro ah oo xukunka kala dhaxla iyaguna ka taliya lehna goaamada kama danbeysta ah.

Hadaba, waxaa aynu in badan isku mashquulinaa in aynu helno qof ina hogaamiya ama aynu doorano inagoo aan eeginba inta ku hareereysa ee la talisa afkaartiisana iyo ficiladiisa umadda uga wakiil ah, waxaa muhiim ah in hogaamiyuhu xusho dad leh aqoon sal balaadhan oo diimeed iyo maadi leh allahna yaqaan dadkana daacad uga shaqeeya hadii hogaamiyuhu ama madaxweynuhu khaldama khaladkiisa u sheega oo sidey wax ku saxsan yihiin kala gaban macal hadii ay ciqaab iyo cadho ku kasbanayaan.

Waxaa bulshada guud ahaan ku badan in inta badan khalad ama maamul xumo ay sameeyaan gacan yarayaasha sida wasiiradda iyo masuuliyiinta kale ay dusha ka korto hogaamiyaha ama madaxweynaha madaama isagu uu doortey oo ay isaga u adeegaan, taas oo sababta in uu yimaado waxyaabo badan oo hogaamiyuhu ogeyn ama aanu ka raali aheyn in ay dhacaan oo hogaamiyaha iyo shacabka kala dila meesha ka saarta in la helo maamul wanaagsan oo hanaan cadaalad iyo sinaan leh umada u maamulaya wadada toosana maraya.

Fariinteyda aan dirayo ayaa ah in hogaamiye kasta oo umadda xil u haya laga bilaabo madaxweyne ilaa agaasime waaxeedyada kala hooseeya ee maamul leeyahey ay ku  feejignaadan cida hareero taagan ee la talisa ama masuuliyad isaga saran uga hooseysa si hadii uu saxsan yahey oo uu hogaamiye dhab yahey tubtaas uga hayaan hadii uu khaldamana u qabtaan una saxaan, sidoo kale ay noqdaan kuwaasi qaar ka turjumi kara waxaa uu raalida ka yahey ee uu umada ku hagayo iyo waxa khaldan ee aanu isagu rabin, baahida iyo xaaladda dhabta ah ee bulshadii isaga doorateyna uu ku baraarugsanaado mar walba isna waafajiyo xaqiiqda dhabta ah ee taagan iyo waxaa ay ku hawlan yihiin masuuliyiinta uu xilka u igmadey.

Gabogabadii, maamulka iyo hogaamiyaashu waa shacab u adeegayaal ay saran tahey masuuliyad allah kala xisaabtami doono,masuul kasta oo xil haya waxaa uu leeyahey masuuliyad u gaar ah oo loo igmadey sidey taheyna in uu uga soo baxo ay isaga saran tahey, hogaamiyaha waxaa ku waajib ah in uu lahaado indhaha gorgorka iyo dareenka tukaha wax walba ogaado kuna baraarugsanaado halkey marayaan kuna xisaabtamo cida uga masuulka ah si loo helo shacab leh higsi iyo mustaqbal wanaagsan loogana badbaado burbur maamul xumo iyo khasaare qaran.

 

 

Fouad Abdisalam Hassan

Qalbi005@gmail.com

Hargeisa, Somaliland