La-safarkaygii Hoggaamiyaha Mustaqbalka Dhaw: Murashax Jamaal Cali Xuseen W/Q Siciid Gahayr (Hargeysaawi)

Waxa ay ahayd 01/Nov/2012-ka. Xilli duhurnimo ah ayaanu ka toobiyaynay jahada Galbeed ee magaalada Hargeysa annaga oo u sii jeedna Deegaanka Uudaan oo ku yaalla Woqooyiga Abaarso halkaas oo ay casuumad ballaadhan noogu sameeyeen dadweynaha Degmada Arabsiyo. Gaadhiga aan saarnaa waxa igu wehelinayay Hoggaamiyaha Mustaqbalka dhaw iyo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga UCID Mudane Jamaal Cali Xuseen, Abwaan Mustafe Xuseen Daahir (Plaza), Suxufi Sare Mustafe-Jannaale iyo Dirawal Yaasiin.

Waxaanu ka leexannay Woqooyiga Abaarso, annaga oo u sii jeedna Uudaan, ugu dambayntii waxaanu gaadhnay baradii marti-qaadka loogu ballansanaa oo ahayd beer bustaan ah oo uu leeyahay Xaaji Yuusuf Cali Cammuudi oo ay joogeen dad door ah oo deegaanka ah iyo xubno kale oo aanu Hargeysa ka wada nimi. Waxa ay ahayd madal qurxoon. Waxa indhaha soo jiidanayay rucubaha midhaha ah ee ka lusha dhirta beerta ku taalla sida canbaha, liinta iwm.

Kaddib markii la cunay hadhimo-maamuuskii oo salkeedu aha mid loo sameeyay Jamaal Cali Xuseen ayaa ay dadweynaha deeganku ballan-qaadeen taageero mug leh oo ay la garab taagan yihiin Xisbiga UCID, deegaankana way nagu soo dhaweeyeen, iyaga oo xusay in aanu marti-qaadku noqon doonin kii u dambeeyay ee bilaw uu yahay haddii Alle idmo. Murashax Jamaal iyo bahweynta UCID si kal iyo lab ah u guddoomeen taageerada baaxadda leh ee ay deeganku ballan-qaadeen. Waxaanu ka mahad-celinnay casuumadda qaayaha leh ee naloo fidiyay

Xilli ku siman 04:00 galabnimo ayaanu u soo dhaqaaqnay dhanka Hargeysa. Waxaanan si nabad iyo badbaado leh ku soo gaadhnay Caasimadda Somaliland. Intii aanu safarka ku jirnay waxaanu Aqoonyahan Jamaal iska waraysannay waxyaabo badan oo ku saabsan Bahweynta Xisbiga UCID iyo sidii loo labanlaabi lahaa dedaalka doorashada Golaha Deegaanka ee qorshayn inay dalka ka dhacdo 28/Nov/2012-ka, kaas oo ku dhammaaday guul iyo af-garad buuxa.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com