LA KALA DHEEREE ORODSE MAAHA!

Walaal sidaan wada ognahay waxaa jirta in Salaadaha faralka ah Ragu hadii uu ku tukado Jamac loo qorayo 27 derejo oo qofku dheeryahay qofkii ku tukada gurigiisa ama suuqiisa, Ka soo qaad hadaad shanta salaadood ku tukato jamac waa 27 derejo x 5= 135 hadiise uu qofku ku tukado weliba ragu gurigooda wuxuu helayaa keliya 5 derejo saladiiba hal derejo.

Sidaas oo kale salaaduhu way sii kala duwan yihiin qofku haduu salaada cishaa’I ku tukado jamac wuxuu ka dhigan yahay in uu habeenka kala badhkii ku soo jeeday salaatu layl inuu tukanayey, sidaas oo kale hadii uu ninku ku tukado jamac salaada subax wuxuu ka dhigan yahay in habeenkii oo dhan uu u taagnaa salaatul layl, ogow walaal habeenkii kala badh ka mid ah qofka way ku adagtahay inuu u soo jeedo Salaatu llayl laakiin wuxuu ku helayaa arintaas isagoo jamac ku tukada Salaada cishaa’i, sidaas oo kale hadii uu qofku habeenkii oo dhan yidhaaho

Salaatul layl ayaan ku soo jeedayaa waa ku adkaanaysaa habeen kasta wuxuuse helayaa ajarka soo jeedida habeenkii oo dhan marka uu Salaada subax ku tukado jamac.

Qiso kooban.

Hadaba maadaama fadligaas badan ay leeyihiin salaadaha oo ragu ku tukado jamaca waxaan dhacday qiso uu inooga sheekeeyey nin salaadii cishaa’I ku tukaday gurigiisa inta salaadii cishaa’I dhaaftay ayuu gurigiisa ku tukaday isagoo aad uga murugaysan in salaadii dhaaftay jamaceedii, dabeed wuxuu xasuustay xadiiskii ahaa 27 in uu dheer yahay

qofka jamac ku tukaday, ninkii ayaa tukaday 27 salaadood oo cishaa’I ah bal si uu u gaadho saaxiibadiisii ku tukaday jamaca, ogow 27 salaadood oo cishaa’I may jirine wuxuun buu mid mooyee inta kale u niyaystay Sunayaal si derejada 27 ah uu u gaadho, markii uu seexday ayuu ku riyooday isagoo beretan ama orod ka qayb galay oo laga wada

dheereeyey , markaasuu ninkii ugu danbeeeyey dadkii ordayey waydiiyey waar maxaad isaga hadhi wayday kaa dheereenee?, ninkii laga dheereeyey ayaa yidhi oo maxaad iiga dheerayseen ee samayseen, wuxuu ku yidhi

weligaa na soo gaadhi maysid waayo 27 derejo ayaan ku dheernahay oo ah salaadii cishaa’I oon jamac ku tukanay adiguna kumaad tukan fadlan hadaalin ee naga hadh na gaadhi mayside.

 

Alaylehe way ka dheereeyeen sababtoo ah waxay ku tukadeen Jamac ,

La kala dheeree orodse maaha, waxaa lagu kala dheereeyey daacadda Alle oo ragna laga tegay ragna dheereeyeen,

Waxaynu maqalnaa orodyahanka hebel bilad dahabuu qaaday Xaqiiqadii ninka daacada Alle u dheereeya ayaa qaaday bilad dahaba iyo wax kastoo qaali ah oo aduunka iyo aakhiroba yaala, Allena kuwaas ha inaga dhigo. Salaadaha Jamaca aynu ku tukano si aan derejooyinkaas wacan u gaadhno.

Hussein Jama Guudcade